“In Badan Ayaad Madaxweyne Ka Daba Qaylisay Cabdiraxmaan Tuur, Ilaa Cigaal Iyo Ina Rayaleba”

0
3544

Picture1Hargeysa(Geeska)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,ayaa difaacay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka,waxaanu ku eedeeyay madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisuba in ay u isticmaaleen  af-lagaadaynta golahaas hantidii dadweynaha.

Waxa uu gudoomiye Faysal madaxweyne Axmed Siilaanyo u soo jeediyay in loola xisaabtami doono sidii uu u dhaliili jiray  hogaamiyayaashii kursiga uga horeeyay,waxaanu ku dhawaaqay in dalka uu ka socdo boob lagu hayo dhaqaxaanta qaaliga ah.

Waxa uu sidan ku sheegay gudoomiye Faysal Cali  waraysi uu siiyay tilifishanka HCTV,waxaanu ugu horayntii hadalkiisa ku bilaabay sidan“Golahan waxa loogu dhawaaqay waxa weeyaan Somaliland wax badan ayaa ka qaldan,markaanu eegnayna waxaanu aragnay in loo baahan yahay in talo laysugu yimaado,xukuumadu waxay bilawday maalintaas laga bilaabo inay hantidii umadda ku baxiso laaluuush oo la yidhaahdo af lagaadeeya siyaasiyiintaas golaha somaysatay.waxaan leeyahay madaxweyne Siilaanyooy dalka maanta dhibaatada haysata 46 wasiir ma xalin karaan,odayaal lacag lasiiyo oo na af-lagaadeeyaana ma xalin karayaan,dalkii boobaa ka socda oo maanta xoolaha aynu dhoofino iyo dhagaxaanta la dhoofiyo dhagaxaanta la dhoofiyo ayaa badan,khayaraadkii dalka ayaa la boobayaa oo dilaaliin ayaynu noqonay dawladnimadiina waa aynu ka tagnay,ramadaantu markay inaga dhamaato waa la tashanayaa,dadkuna xaq ayay u leeyahiin in ay tashadaan oo ay dawladooda ay la xisaab tamaan.”

Gudoomiye Faysal oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaanu leenahay dadka hayska hor keenin Siilaanyooy inaad af-lagaado iyo cay lacag aad ku bixisaa maaha danta Somaliland,dadka hayska hor keenin qabiilaad u kala saartay iyo jees- jees, qaran ayaa laguu dhiibay xawaaladna waad ka dhigtay. In badan ayaad madaxweyne ka daba qaylisay Cabdiraxmaan Tuur,ilaa Cigaal iyo ina Rayaalaba waana laguula xisaabtamayaa sidaad ula xisaabtami jirtay.”