Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale Ku Celiyay Inaanu Ka Qayb Galayn Shirka Beljam

0
631

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa mar kale ku celiyay inaanay Somaliland ka qayb geli doonin shirka bisha dambe ee September lagu qabanayo magaalada Brussels ee wadanka Beljamka, kaas oo uu Midowga Yurub u qabanayo dhaqaale u ururinta dawladda Somaliya.

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, qoraal kooban oo lagu qoray barta uu ku leeyahay twitterka, ayaa wuxuu ku sheegay inaanay Somaliland shirkaas tegi doonin. “Somaliland kama qayb geli doonto shirka Brussels.” Ayuu Madaxweyne Siilaanyo yidhi, waxaanu isagoo sababta sharaxaya uu intaas raaciyay, “Waxaanu rumaysanahay qaranimada Somaliland inay tahay ahmadiyadayada koowaad.”

Midowga Yurub ayaa Somaliland ku casuumay ka qayb galka shirka ay qaadhaanka ugu ururinayaan dawladda Somaliya, kaas oo badhtamaha bisha September ku qabsoomi doona wadanka Beljamka. Qaramada Midoobay ayaa hore u sheegtay inay dawladda Somaliya ka caawin doonto sidii Somaliland loogu qancin lahaa ka qayb galka shirkaas. Hase yeeshe waa markii labaad ee uu toddobaad gudihii Madaxweynaha Somaliland cadeeyo inaanu shirkaasi Somaliland khusayn.