Wasiirka Ganacsiga Oo Loo Diiday Inuu Hoolka D/Hoose Ee Gabiley Shir Ku Qabsado

0
547

Picture5Hargeysa(Geeska)-Maayarka magaalada Gabiley md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa shalay wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ka hor istaagay inuu odayaal iyo wax garad kale shir kula yeesho hoolka shirarka ee dawladda Hoose.

Wasiir Maxamed Cabdillaahi, ayaa magaalada Gabiley u tagay kulan uu doonayay inuu la yeesho waxgaradka iyo odayaasha, waxaanu qorshihiisu ahaa inuu shirka kula qaato hoolka shirarka ee dawladda Hoose. Hase yeeshe maamulka degmada ayaa wasiirka ka horistaagy inuu hoolkaas ku qabsado shirka uu u socday. Wasiirka ayaa markii uu maayarku go’aankaas ku wargeliyay, wuxuu shirkii ku qabsaday hoolka jaamacadda Timacade, halkaas oo ay qaar dadweynaha ka mid ahi eedaymo ugu jeediyeen maamulka gobalka iyo midka degmada oo aan madasha joogin.

Si rasmi ah looma garanayo sababta uu maamulka degmadu wasiirka uga horistaagay inuu shirka ku qabsado hoolka shirarka. Waxase jiray war ay dadku isla dhex marayeen oo sheegayay in maayarku uu ka mid yahay taageerayaasha wasiirka maaliyadda Md. Cabdicasiis Samaale, oo loo arkayay inuu shirkaasi ahaa mid isaga ka dhan ah islamarkaana nasteex u ahaa guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi. Waxaana la aaminsanyahay in go’aanka wasiirka lagaga horistaagay inuu hoolkaas shirkiisa ku qabsadaa ay ka mid tahay loolamada siyaasadeed ee u dhexeeya Wasiir Samaale iyo Muuse Biixi Cabdi.

Laakiin Wasiir Maxamed Cabdillaahi, ayaa ah wasiir dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanka Gabiley, waxaanu markii kulankaas laga horistaagay uu kasbaday dadweyne badan oo u raacay hoolkii kale ee uu shirka ku qabsaday.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo.”