Xildhibaan Nacnac Oo Si Adag U Difaacay Wax Qabadka Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo

0
567

Picture7Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee ka soo jeeda xisbiga KULMIYE, ayaa si adag u difaacay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaanu soo bandhigay wax qabadka mudadii uu xilka hayay.

Xildhibaan Nacnac, wuxuu kale oo uu naqdiyay golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka oo uu dardaarano u jeediyay. Warsaxaafadeed uu xildhibaanku shalay soo saaray ayaa wuxuu ku idhi sidan, “Waxa aan doonayaa inaan wax yar ka taabto waxqabadka Xukuumada KULMIYE  mudadii koobnayd ee ay jirtay maadaama aan ahay xildhibaan Xisbiga Kulmiye ku abtirsada , sidoo kalena waxaan ka hadlayaa Golaha isku magacaabay Wadatashiga.

Hadaba waxa aad moodaa inay caado iyo dhaqan u noqotay in dadka qaarkood aanay qirin wax-qabadka Xukuumada KULMIYE ku talaabsatay, balse caadadaas iyo dhaqankaasi waxay xaalad dhaba isu bedeshaa marka hadba cida xilka haysaa kursiga ka tagto ayaa la qiraa oo la yidhaahdaa waxaas oo horumar ah ayaa la qabtay taasina waxay macne buuran samaysaa in la qiro qofku inta uu joogo.

Sidaas daraadeed anigoo ah xildhibaan waxaan  muwaadin ahaan u qirayaa waxa ay xukuumada uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed M. M. Siilaanyo qabatay waxa aan iftiiminayaa inta Ogaalkay ah.

Mushahar kordhinta shaqaalaha dawlada iyo ciidamada oo 100% la kordhiyey

Lacagtii giimbaarta ahayd oo laga bedelay gobolada Bariga taas oo caqabad ku ahayd dawladnimada iyo karaamada shacabka.

Derejooyinkii ciidamada oo la bixiyey

Idaacada iyo Tvga Dawlada oo labadoodaba lagu guulaystay in daafaha dunida la gaadhsiiyo

Idaacada quraanka kareemkaa oo 24ka saacadood shaqaysa Madaxweynehana loogu bixiyey adeegaha Quraanka

Tartankii quraanka kariimka oo dawladu bilawday laguna bixiyo jaaisadihii abid ugu qaalisanaa ee la bixiyo

Dhismayaasha dhamaan xarumaha dawlada dayrarka qaaligaa loogu sameeyey iyo dhismayaasha cusub ee loo dhisay wasaaradaha Kaluumaysiga, qorshaynta Qaranka, ciyaaraha, Cadaalada , Maaliyada, arimaha debeda diinta iyo awqaafta, duulista iyo hawada , Gaashaandhiga, Hawlaha Guud iyo qaar kale oo badan

Waxa la shaqaalaysiiyey in ka badan 5000 oo shaqaale ah

Dhismayaasha madaarada Hargeysa, Berbera iyo Burco oo manta diyaarad kasta isticmaalayso lagana hirgeliyey madaaro Casriya

Fidinta maamulka Gobolada Bari

Haamihii shidaalka TOTAL oo Xukuumadu la wareegtay

Waxbarashadii dugsiyada Hoose dhexe oo bilaash laga dhigay

Dalka oo laga bilaabay shidaal qodis sanadka soo socda bilawgiisana shidaalkii ugu horeeyey dhul soomaaliyeed la soo saari doono

Miisaaniyadii qaranka oo la kordhiyay ku dhawaad 5 laab

Xukuumada oo hirgelisay in markii ugu horaysay taariikhda Somalia iyo Somaliland oo laba dawladood ahi isa soo hor fadhiistaan duniduna dhex u noqoto badheedheheenana aynu dhiibanay.

Wax qabadadani waa horumar la’aantood Somaliland la tiicaysay sanado badan waana wax ilaahay loogu mahadiyo, inuu inoo suurta geliyey.

 Waa wax qabad muwaadinka sida saxda ah u fekerayaa arki karo dareemina karo, mahadin karo, ku faani karo, ku niyadsamaan karo in dalkiisu mustaqbal ifaya leeyahay

Intaas waxa dheer iskaa-wax uqabsashada Xukuumadu doorkeeda dhaqaale ka qaadatay , sida:- wadooyinka magaalooyinka iyo wadooyinka isku xidha gobolada sida wadada Hargeysa ilaa Boorama, wadada hargeysa ilaa Salaxlay, wadada Dawga Cad, wadada Hargeysa ilaa Oodweyne, wadada Hargeysa ilaa Bali gubadle iyo qaar kale.

Arinta labaad ee aan qoraalkaygan kaga hadlayaa waa Golaha la baxay wada tashiga, Waxaan leeyahay Saaxiibaday  waxa idinku jira masuuliyiin dalka iyo dadkooduba ay yaqaaniin, waxa idinka mid ah mujaahidiin dalkan ku tabcay sidaas darted waxaan idin siinayaa tallo dhaxalgal ah wallaalayaal waxaad ku soo tacabteen gacantiina ha ku duminina dawlada hadba cidbaa hogaanka u haysa waana in lagu ixtiraamaa oo horumarinta qaranimada iyo jiritaanka umada lagula shaqeeyaa  markaas ayaa hadii laguu calfay adigana lagula shaqayn doonaa.

Wallaalayaal Golahaas aad ku dhawaaqdeen waa sharci daro, waa fawdo la sii saadaalin karo haduu sii socdo doc-faruurka qaranka ku dhacaya, Tusaale ahaan waxaad qaadateen ereyega Gole oo loo yaqaan golayaal qaran oo dastuuri ah waxaana dhici karta in la fadhataysto ereyada kale ee dawlada sida in layskala baxo magaca Baarlamaanka la talinta iyo toosinta qaranka, sida dawlada dadka danyarta ah taasina haddii ay dhacdo waa qaran jab madaxweynaha iyo madaxda kale ee manta mindida daabkeeda hayana waxay ku noqonaysaa Taariikh Xumo haddii ay ogolaadaan.

Sidaa daraadeed waxaynu wax ku wada nahay eek u kala danbaynaa waa sharciga iyo qaanuunka dalka u yaala hadaynaan ixtiraamina waxba noqon mayno, 

Waxaan ku soo gebogebaynayaa waxqabadada xukuumada ninka aanay u muuqanin labadan Kelmadood ee uu tiriryey Abwaan Salaan Carabay

Waxba yaanu xeerkay i marin xoolana i siine

 Xaasha'e nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe