Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Guddiga Turxaan Bixinta Khilaafka KULMIYE, Shirweynihii Xisbigana Mar Kale Dib Ugu Riixay Bisha March

0
565

Picture8Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa xalay magacaabay sagaal xubnood oo lagu sheegay inay yihiin guddi turxaan bixin doonta khilaafka ka dhex taagan xisbiga KULMIYE. Waxaanu sidoo kale madaxweynuhu dib u riixay shirweynihii xisbiga KULMIYE ee mudaysnaa 21 January.

Inkastoo aanu Madaxweynuhu si rasmi ah u baahinin magacyada xubnahan, haddana ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in warqadda uu madaxweynuhu guddigan ku magacaabay ogaysiin ahaan laba nuqul loo kala diray madaxweyne xigeenka iyo hoggaanka xisbiga, waxaanay ka koobanyihiin wasiiro, xildhibaano iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa guddiga faray inay soo turxaan bixiyaan khilaafka ka dhex jira xisbiga KULMIYE oo muddooyinkii u dambeeyay u kala jabay laba garab. Madaxweynuhu waxa kale oo uu  shirweynaha xisbiga u mudeeyay 22 March, halkii uu ka ahaa 21 January ee sannadkan.

Guddigan oo tiradooda tahay  9 xubnood, sida uu Geeska Afrika ogaaday waxay kala yihiin:

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis guddoomiye

Wasiirka gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami  gudodomiye xigeen

Xildhibaan Cali Mareexaan Xoghaye

Wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed

Wasiirka waxbarashada Samsam Cabdi Aden

Guddoomiyaha Hay’adda abaabul ka saarka qaranka Jamaal Caydiid Ibrahim

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye

Xildhibaan Abiibakar Good

Wasiirka duulista iyo hawada Maxamuud Xaashi Cabdi

Sida muuqata madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa weli shookaanta u haya talada xisbiga KULMIYE, waxaanay warar xogogaali Geeska Afrika u sheegeen inaan wax tallo ah magacaabista guddigan laga weydiinin guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, waana sababta keentay in Madaxweynuhu si toos ah u magacaabo guddi turxaan bixinta doonta xisbiga uu odayga u yahay.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino sida uu arko guddigan iyo sharciyadooda ayaanay noo suurtogelin, laakiin dad badan ayaa aaminsan in magacaabista guddigan uu Madaxweynuhu magacaabay ay dab ku sii shidi karto khilaafkii xisbiga maadaama oo uu Madaxweynuhu si toos ah  madaxtooyada uga soo magacaabay masuuliyiintan guddiga ah.