Dawladda Turkiga Oo Si Kooban Uga Hadashay Wada Hadalada Somaliland Iyo Somlaiya U Furmaya

0
580

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Turkiga ayaa cadaysay inay ergadii ka kala socotay Somaliland iyo Somaliya ay gaadheen magaalada Istanbul ee wadankaas Turkiga oo ay wada hadaladu ka furmi doonaan.

Safiirka Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, ayaa warsaxaafadeed uu shalay soo saaray oo kooban, wuxuu ku sheegay inay wada hadaladu qabsoomi donaan 16 iyo 18 bishan January, islamarkaana ay wufuuda labada dhinac gaadheen shalay Istanbul.

Geesta kale, Labada wefti ee ka kala socda dawladaha Somaliland iyo Somaliya ayaa gaadhay magaalada Istanbul, waxaanay weftiga Somaliland oo habeen hore ka ambobaxay magaalada Addis Ababa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, halka uu weftiga Somaliya hoggaaminaya ku simaha wasiirka arrimaha gudaha Somaliya oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Baarlamaanka Somaliya.