“Xildhibaan Naasir Ha Ku Ekaado Xildhibaanimada Wixii Dhaqan Ah Waxa Leh Cuqaasha”

0
649

Hargeysa, ()- Chief Caaqil Fu’aad  Cabdilaahi Ciise, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin hadalo ka soo yeedhay xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire oo sheegay inay dooranayaan malaaqa Awal Bari.

Caaqil Fu’aad Cabdilaahi Ciise  oo xalay qoraal uu arrintaasi ku beeninayo wargeyska Saxafi soo gaadhsiiyey ayaa waxaa uu ku yidhi qoraalkiisa, sidan: “ Hadaanu nahay Beelaha Ciise Muuse, Maxamed Ciise Cumar Jibriil halkan waxaanu ku cadaynaynaa Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire uu Tv-ga ka sheegay ee uu leeyahay (Malaaq Awal Barri ayaanu dooranay), Anigoo ah Caaqilkiisii iyo Odayaashiisii waxaan Dadwaynaha Somaliland u sheegaynaa cid uu wato inaanay waxba ka jirin oo ay ku eegtahay isaga Reerkuna kulama socdaan Ciise Muuse oo dhana iyo Awal Barriba. Hadaba Naasir waxaan u sheegayaa inuu ku eekaado Xildhibaanimada wixii dhaqana waxa iska leh Jiif Caaqilada iyo Odayaasha Reerka, Naasir iyo Sacadba anigaa u ah Jiif Caaqil.”

Jiif Caaqil Fuaad C/laahi Ciise

Numbarkiisa: 0634001919