Madaxweyne Siilaanyo Oo La Sheegay Inuu Samaynayo Isku Shaandhayn Ballaadhan Oo Xukuumadiisa Ah

0
1145

 

 

saaaaaaaaaaaaawir wada jira

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somailland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la filayaa inuu isku shaandhayn balaadhan iyo xil ka qaadis ku sameeyo xukuumadiisa.

Ma jiro war rasmi ah oo soo baxay, laakiin ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika, u sheegay in Madaxweynuhu isbedel ku samayn doono golihiisa wasiirada, badhasaabada dalka qaarkood, madaxda ciidamada iyo dhinacyo kale. Warku wuxuu sheegay in la filayo inuu Madaxweynuhu xilka ka qaado taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Md. Cilmi Rooble Furre, badhasaabada Hargeysa iyo Gabiley iyo xubno wasiiro ah oo aanay iyaga noo suurtogelin inaanu helno, waxase la sheegay in la isku bedeli doono xubno miisaan culus ku leh golaha xukuumadda.

Wararkani waxay intaas ku darayaan in la filayo in taliyaha ciidamada Booliska loo magacaabo Md. Maxamed Saqadhi Dubad oo xilkan hayn jiray cahdigii Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, balse uu Madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday markii uu talada qabtay.

Badhasaabka Gobalka Gabiley ayaa isna la filayaa in loo magacaabo muwaadin magaciisa lagu sheegay Cali Aw Aadan Meecaad, kaas oo magaciisa la geliyay qaar ka mid ah baraha Internetka oo sheegay in lagu bedeli doono badhasaabka gobalkaas Gabiley. Lama sheegin waxyaabaha lagu qoonsaday masuuliyiintan, waxase la filayaa inay madaxtooyadu faahfaahiso marka ay xilka ka qaado.