Shirka Nayrobi Ma Sharbaa Mise Waa Khayr

0
1208

 

SHIRKAHargeysa (Geeska) Waxa maanta magaalada Nayrobi ka furmaya shir ay golaha ammaanka Qaramada midoobay qabanayaan, kaas oo ay kula kulmayaan masuliyiin ka kala socota dawladda Somaliland iyo maamul goboleedyada iyo kooxaha Somaliya.

Shirkaas oo aan weli ujeedadiisa rasmiga ah la cadayn waxa ka qayb galaya xubno wasiiro ah iyo xildhibaan ka socda Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu shirkaasi dareen ku abuuray bulshada Somaliland oo ka sastay markii ay maqleen inay shirka goob joog ka noqonayaan kooxaha Somaliya. Hase yeeshe Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay inay Somaliland si gaar ah ula kulmayso golaha ammaanka Qaramada Midoobay, waxaanu ku dooday inay la kulanka weftigan golaha ammaanka shuruud uga dhigeen in Somaliland si gaar ah loola kulmo, taas oo uu sheegay in laga aqbalay.  “Aniga iyo waftigan baladhan ee ka socda xukumaada iyo baarlamaanka Somaliland waxaanu u baxaynaa wadanka Kiniya caasimadiisa Nayroobi, halkaasi oo aanu kaga qayb galayno shir uu qaban qaaban-qaabiyay golaha amaanka ee qaramada midoobay, kaas oo Somaliland lagu soo casuumay inay shirkaasi si toosa uga qayb gasho, waxaanu noqon doonaa fadhi u dhaxeeya qaramada midoobay golaheeda amaanka iyo Somaliland oo qudha.” Sidaas ayuu yidhi wasiirku.

Haddii ay arrintu sidan uu wasiirku sheegay  u dhacdo oo ay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay si gaar ah ula kulmaan xubnaha weftiga Somaliland, taasi waa tallaabo hore loo qaaday oo soo dhawayn mudan, waxaanay sida uu wasiirku sheegay Somaliland fursadaas uga faa’iidaysan doontaa danaheeda siyaasadeed iyo gudbinta qaddiyadeeda, iyadoo toddobaad uun laga joogo dabaal degga sannad guuradii 20aad ee ka soo wareegtay la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland oo si aan hore u dhicin sannadkan loogu dabaal degay. Laakiin haddiiba ay dhacdo waxa fursadaas looga faa’iidaysan karaa iyadoo si hufan loogu soo diyaar garoobay oo aan qarbo qarbo iyo laab la kac lagu tegin shirkaas.

 Haddiise ay dhacdo inay shirka maanta furmaya Somaliland dhex fadhiisato kooxaha Somaliya waa ceeb iyo fadeexad ku habsatay siyaasadda dibadda ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo marka horeba xanteedu badnayd. Waxaana xukuumadda looga fadhiyaa inay umadda xaal iyo raali gelin siiso islamarkaana ay balan qaado inaanay dib u dhici doonin in qaddiyadii umadda la geeyo meelo aan heshiis lagu ahayn oo labaatan sannadood ka hor laga tashaday.

Si kastaba ha ahaate, hadalba waxa ka hadhay furitaanka shirkan ee maanta, waxaana la arki doonaa in dhawaaqa xukuumadda Somaliland rumoobo oo ay weftiga si gaar ah ula kulmaan iyo inay dhex dabaashaan qaska kooxaha Somaliya oo shirka tagay iyagoon xataa waxba heshiis ku ahayn. Waxaana maantaba la arki doonaa in shirkaasi Somaliland khayr u leeyahay  iyo inuu yahay shaydaan loo soo hadoodilay.