Dawladda Somaliya Oo Baarlamaanka Dalkeeda Ka Dhex Wadda Mooshin Ay Ku Laalayso Wada Hadalkii Ay Kula jirtay Dawladda Somaliland

0
870

Picture9Muqdisho(Geeska)-Dawladda Somaliya ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si xawli ah u wadda mooshin ka dhan ah wada hadalada ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, kaas oo saddex goor dib uga dhacay wakhtigii loogu tallo galay.

Mooshinkaas oo ay Baarlamaanka horgaynayaan xubno ka tirsan Baarlamaankaas Somaliya, waxa sida ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen dabada ka riixaysa dawladda Xasan Sheekh. Mooshinkaas ayaa lagu dalbanayaa inay dawladda Somaliya gebi ahaanba joojiso wada hadalada ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo ku doodaya in distoorka dawladoodu aanu ogolayn in laga wada hadlo madaxbanaanida Somaliland.

Mooshinkan ayaa la sheegayaa inuu ku socdo si xawli ah, waxaanay u dhowdahay in Baarlamaanka la horgeeyo ka dib marka la soo dhiso xukuumadda cusub ee ay ka gudubto Baarlamaanka. Mooshinkan xildhibaanada ay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayso ayaa la sheegayaa inay u badanyihiin xubno ka soo jeeda maamul goboleedka Puntland.

Xukuumadda Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino inay wax ka ogtahay dhaqdhaqaaqyadaas, ayaa ka gaabsaday ka hadalkeeda, waxase xubnaha aanu la xidhiidhnay ay sheegeen inay dawladda Somaliya oo muddooyinkan dambe ka cago jiidaysay wada hadalada ay wax kastaa suurtogal ka tahay.

Dawladda Somaliya ayaa tiraba saddex goor dib u dhigtay wada hadalada ay la leedahay Somaliland, iyadoo ku marmarsiiyoota inay ku dhex jirto duufaano siyaasadeed oo aan u saamaxayn ka qayb galka shirkaas, laakiin hadddana taas bedelkeed waxa ay dawladda Xasan Sheekh dibadda ugu baxdaa safaro aan macno badan ku fadhiyin. Waxaanay dadka diblomaasiyadda lafo-guraa aaminsanyihiin inay dawladda Somaliya raadinayso jid ay ka baxdo oo ay ku joojiso wada hadalka ay la leedahay dawladda Somaliland, waxaana suurtogal ah inay mooshinkan Baarlamaanka u aragtay jidka keliya ee ay kaga fakan karto wada hadaladaas.