Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Munaasibad Loo Sameeyay HCTV Oo 10 Jirsaday

1
613

Picture2Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), shirgudoonka Goleyaasha baarlamaanka Iyo Hoggaamiyeyaasha Axsaabta qaranka ayaa shalay ka qeyb galay xaflad balaadhan oo loogu dabaal degayay sanad guuradda 10-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Xafladan waxa kale oo ka soo qeyb galay masuuliyiinta Ururada saxaafadda Somaliland, madaxa ha’yadaha warbaahinta, Ganacsato, madax-dhaqameed iyo Boqolaal qof oo lagu soo casuumay xaflada dabaal-dega xuska sanad guuradda 10-aad ee Tv-ga HCTV.

Agaasimaha Guud ee Telefishanka HCTV Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig) oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee Telefishankaasi soo maray, waxaanu tilmaamay in Tv-goodu yahay mid caalami ah oo dhamaan dhulka Soomaalida oo dhan u adeega, waxaanu tilmaamay inay weriyeyaal rasmi ah ku leeyihiin daafaha caalamka oo dhan isla markaana ay u dhabar adaygeen duruufo badan oo xiligii la aasaasay TV-ga horyaalay.

Agaasime Ilig waxa uu intaasi ku daray in Telefishankoodu uu ahaa kii u horeeyay ee Somaliland laga leeyahay ee toos u baahiya Munaasibadaha 18-ka May iyo shirarka waaweynba.

Maxamed Cabdi Sheekh waxa uu xusay inay Tv-ga Horn Cable uu door weyn ka qaatay baahintii tooska ahayd doorashooyinkii Somaliland, Jabuuti iyo doorashadii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay madaxweynaha dalkaasi ku dooranayeen.

Weriye Axmed Sicid Cige oo ah ruug-cadaa saxaafadeed islamarkaana ahaa weriyihii u horeeyay ee Somali ah ee warka ka akhriyay telefishankii dawladii Somaliya, ayaa isna halkaas ka hadlay, waxaanu ka sheekeeyay marxaladaha ay Telefishanadu soo mareen.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu bogaadinayo mulkiilaha iyo maamulka Tv-ga Horn Cable TV, waxaanu xusay inay dedaal u galeen sidii ay u aasaasi lahaayeen Telefishan weyn oo daboola baahiyaha wareed ee mandaqadda oo dhan.

Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali Axmed, oo isna halkaas ka hadlay ayaa ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray telefishanku, waxaanu Farxaan ku soo dhaweeyay mikirifoonka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo. Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa hambalyeeyay Telefishanka Horn-cable TV munaasibadda sanad guuradooda 10-aad darteed.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Horn Cable TV qadiyadda Somaliland caalamka u bandhigo, waxaanu xusay inay sharaf iyo magac u soo hooyeen Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u soo jeediyay maamulka TV-gaasi inay sii kordhiyaan dedaalkooda.

Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Wasiir Ku xigeenka warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), iyo Guddoomiyaha Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf. Xafladaasi waxa si toos ah daafaha caalamka oo dhan looga daawanayay Telefishanka madaxa banaan ee Horn Cable TV.

Comments are closed.