Bandhiga Himiladda Darlington Gama-Dheere Foundation Iyo Doorkii Shirkadda SOMTEL Ka Qaadatay

0
537

 

Hargeysa(Geeska-)Xaflad Balaadhan oo lagu qabtay Hotel Maan-Soor ee Magaaladda Hargeysa ayaa lagu maamuusayay siddii loosii wadi lahaa dedaalkii Mr Richard Darlington ee dhinaca Waxbarashadda oo hadda loo  yaqaan Darligton Foundation. Munaasibadani oo ay kasoo qayb galeen Masuuliyiin iyo Madax kale Duwan oo ka Kala Tirsan Haayaddo Madaxbanaan Ganacsato iyo Xukumadda oo ka mid ahaa ardaydii Mr Richard Darlington wax soo baray ayaa waxa halkaasi lagu soo bandhigay sawiro Taariikhiya kuwaasi oo ay ka muuqdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo iyo masuuliyiin kale oo madax ka ah Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 Munaasibadani oo u jeedkeedu ahaa siidii loo xusi lahaa ardaydii ka baxday Dugsiga Sheikh isla Markaasna loo ururin lahaa dhaqaale Hayadda Darlington oo wakhtigan Taageerta Ardayda ayaa waxaa Halkaasi Lagaga Sheekeeyay Taarikhdii iyo Waxyaabaha Lagu Xasuusto Mr Richarad Darlington oo ka mid ahaa Hawlbawlayaashii Waxbarashadda ee Sanadihii lixdameeyaddii Prof. Iid cali salaan oo ka mid ah Madaxda hayadda darlington Gacmadheere foundation oo ugu horayn Munaasibadda ka hadlay ayaa u Mahadceliyay Shirkadda isgaadhsiint casriga ah somtel oo Gacan ka gaystay Qabsoommidda Xafladda

 Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland mudane sacad cali shire oo ka mid ahaa Madaxdii Halkaasi ka hadashay ayaa siddoo kale u Mahadceliyay Shirkadda somtel oo uu sheegay inay suurogalisay in kulankani laysugu Yimaado , Wasiirka oo ka mid ahaa ardaydii Darlington Waxa uu soo jeediyay in la taageero Hayadda Darlington Foundation is loosii wado Dedaalkii Mr Richard Darlington .

Madaxa Iibka iyo Suuq geynta shirkadda isgaadhsiinta SOMTEL Mr. Iid Muuse Muxumed oo halkaa ka soo jeediyay hadal kooban ayaa ku dheeraaday faa;idada wax barashadda iyo kaalinta mugga leh ee shirkadda SOMTEL ka qaadato, Mr. Iid isagoo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in muhim tahay in la’taageero Haa’yadda Darligton foundation oo uu sheegay in ay leeyihiin xidhiidh aad u fiican, aadna ugu faraxsan yahay wax yaabaha ay umadda u qabtaan khaasatan Bahda waxbarashadda, Iid waxa uu balan qaaday in shirkadda SOMTEL sii wadi doonto kaainta ay mar walba ka ciyaarto adeegyadda Horumarineed ay ka wado dhamaan wadanka qeybihiisa kala duwan, Gudoomiyaha Iid Muuse waxa ku wehelinayay ka soo qeyb galkiisa munaasibadan madaxa warbaahinta shirkadda SOMTEL Naasir Cumar Cilmi, iyo madaxa xidhiidhka dadweynaha Khadar Cabdiraxmaan.

Wiil uu adeer u yahay Mr Richard Darlington isla Markaasna Aas aasay Haayaddani Loogu Magacdaray Richard Darlington oo Madasha ka hadlay ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland inay gacan ka gaystaan Hawlaha Dhaqaale Ururin ee Haayadda Darlington foundation

Waxaanna Gabagabaddii Waxa Munaasibadani Shahaado Sharafyo Lagu Gudoonsiiyay Qaarka mid ah Ardaydii Darlington foundation Maskaxdooda kasoo Maasaxatay .