Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddigii Hore Ee Uu U Magacaabay Bilicda Caasimadda Ka Daba Geeyay Guddi Labaad Oo Uu Sameeyay

0
796

 

 

Madaxweynuhu Ma Wuxuu Kala Garan Waayay Guddiyada Badan Ee Uu Magacaabo?

New Picture (13)Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland ayaa mar labaad magacaabay guddiga bilicda iyo fayo-dhawrka caasimadda Hargeysa oo uu hore ugu magacaabay guddi hore.

 

 

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa 30 Oktoobar 2010, wuxuu soo saaray warsaxaafadeed uu ku magacaabay guddiga tayaynta bilicda caasimadda oo uu ku sheegay inay tahay muraayadii dalka, waxaanay guddigaasi ka koobnayd shan wasiir iyo maayarka caasimadda Hargeysa. Iyadoo aanay jirin meel ilaa hadda lagu sheegay inuu Madaxweynuhu kala diray guddigaas, ayaa wuxuu haddana sannad ka dib magacaabistaas oo ahayd 28 Oktoobar 2011, ku magacaabay guddi labaad oo uu iyagana u xil saaray bilicda caasimadda iyo fayo-dhawrka.

Guddiga hore

Madaxweynuhu warsaxaafadeedka uu soo saaray kal hore ee uu ku magacaabay guddiga bilicda caasimadda wuxuu ku yidhi “Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) ayaa Maanta Guddi heer qaran ah u magacaabay Tayeynta Billicda Caasimada Dalka ee Hargeisa oo ah Muraayadi Dalka.

Guddidan uu madaxweynuhu magacaabay oo ka kooban Lix (6) Xubnood oo ka kooban Wasiiro iyo Maayerka Caasimada.

Madaxwynuhu waxa uu Magacaabista Gudida ku yidhi sidan: Mudanayaal, Sida aad ka war qabtaan, bilicda iyo muuqaalka caasimaddu wuxuu qayb muhiim ah ka qaadanaya milgaha dawladnimo.

Haddaba Mudanayaal, laga bilaabo taariikhda warqadan waxaan idiin magacaabay Guddida Bilicda Caasimadda Hargeysa, waxana gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dr. Maxamed Cabdi Gaboose.

Magacyada Gudida:

Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
3. Mudane, Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka
4. Dr. Xuseen Axmed Maxamed (Xoog),Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka
5. Mudane, Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta
6. Mudane, Xuseen Maxamuud Jiciir, Maayarka Magaaladda Hargeysa, Ahna Gudoomiyaha Golaha Deegaanka
Ugu danbayn waxa uu Madaxweynuhu Gudidan kula Dardaarmay in ay Sida ugu Dhakhsaha Badan hawshan u Gutaan oo ay Xil wayn iska Saaran Waxaanu yidhi madaxweynuhu Illaahay Haydin Fudaydiyo hawshaa.”

Guddiga labaad

Iyadoo aanu Madaxweynuhu sheegin meel uu ku kala diray guddigaas uu sannadkii hore u magacaabay hawshan ayaa maalintii Jimcihii 28/10/11 ee uu u dhoofay dalka Ingiriiska, wuxuu isla hawshan bilicda caasimada Hargeysa u magacaabay guddi labaad. Waxaanu warsaxaafadeedkiisa ku yidhi Madaxweynuhu, “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) markuu tixgeliyey baahida loo qabo kor uqaadida faya dhawrka, nadaafada iyo Bilicda Caasimada,

Waxa uu magacaabay

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Barashada

Ku: WasiirkaWasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Ku: Wasiirku Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka

Ku: Duqa Caasimada

Ku: Badha-saabka Gobolka Maroodi-jeex

Ku: Agaasimaha Fulinta Nagaad

Ku: Agaasimaha Sonyo

Sida aad ka warqabtaan Bilicda iyo Muuqaalka Caasimaddu waxay qayb muhiima ka qaata milgaha dawladnimo iyo aayaha horumarka qaranka, sida diinteena suuban dhigayso, Nadaafadu waxay ka mid tahay  iimaanka.

Sidaa darteed laga bilaabo taariikhda qoraalkan waxaan idiin magacaabay Gudida Bilicda Caasimada waxaana Gudoomiye idiin noqon doona Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Nuur Caraale (Duur).”

Gunanaad

Si rasmi ah looma garanayo sababta ay labadan digreeto ee Madaxweynuhu iskaga soo daba baxeen iyo weliba sababta hawl uu guddi hore u xilsaaray mar labaad ugu magacaabay guddi.

Laakiin waxa ay dad badani aaminsanyihiin inay arrintani dabada ku hayso jaahwareer dhinaca arkiifiyada ah iyo tixraac la’aan ka jira madaxtooyada Somaliland. Sidoo kale in Madaxweynuhu hawl keliya laba guddi u magacaabo waxa ay iftiimin kartaa in guddiyada tirada badan ee uu magacaabaa aanay u tirsanayn.