Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Nabadgelyada Iyo Cabdiqaadir Jirde Oo Naqdiyay

0
840

 

Hargeysa (Geeska) Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigii IMG_2518-600x450shalay ku ansixiyey xeerka nabadgelyada Guud.

 

Xeerkan oo muddo golaha hor yaalay, doodahiisuna ka dhaceen ayaa shalay mudanayaashii golaha fadhiyey oo tiradoodu gaadhaysay 43, waxay 21 xubnood ogolaadeen meelmarinta xeerkan halka 17 mudane u codeeyeen diidmada ansixinta xeerkaa, waxaana ka aamusay 3 mudane.

Dhinaca kale, mudanayaal ka tirsan golaha wakiilada ayaa fikrado kala duwan ka bixiyey ansixinta xeerkan oo qaarkood ku sheegeen in lagu degdegay, isla markaana xeerkan laga dhigay mid aad loo raray oo xeerar hore u jiray lagu soo daray.

Mudane Cabdiqaadir Xaaji Jirde, oo ka mid ahaa mudanayaashii ka soo horjeeday ansixinta xeerkaa ayaa ku dooday inaan golaha loo akhrin wax-ka-bedelkii doodahii mudanayaashu ka dhiibteen xeerkan, loona  codeeyeen xeer  aanay garanayn sida loo dhigay, “ Adeer, xeerkan waa lagu degdegay, oo rag wax u diyaarsanaayeen ayaa jiidhsiiyey golahii. Golaha looma sheegin in doodihii xeerkan laga yeeshay wax lagaga soo daray. Xeerka la ansixiyeyna siduu u dhigan yahay ma ogin,”

Cabdiqaadir Jirde oo Geeska Afrikaweydiiyey, qodobada uu ku dhaliilayey xeerkan ayaa sheegay, “Xeerkan waxa laga dhigay mid la raray oo xeerar iyo awoodo meelo hoose yaalay dusha la keenay. Tusaale, maxaa iskaga xidhan kiraynta goobaha caweysyada tiyaatarada, dhaqancelinta caruurta, ka hortaga aafooyinka oo hore xeer loogu sameeyey hay’adona ka abuurmeen iyo xeerkan. Maxaa keenay in xeerkan lagu soo daro abuuritaanka hay’ado ilaalineed gaar ah, ma waxaynu suura gelinayna in shirkado ajaanib oo ilaalineed loo keeno maalgashiga dalkeena lagu samaysanayo, sidii Ciraaq.”

Ugu danbayn, Mudane, Cabdiqaadir Jirde ayaa soo jeediyey in saxaafadu aad u eegaan qodobada xeerkan oo aqoontii dalku golaha kuma dhamee, aqoonta dibeda taala iyo golaha isku xidhaan, “Waxaan saxaafada idiin soo jeedinayaa aqoontii dalku golaha kuma dhamee, waxaan doonaynaa inaad aqoonta dibeda iyo golaha xidhiidhisaan.”