Madaxweyne Siilaanyo Oo Dhaqangeliyay Xeerka Diiwaangelinta Cob Bixiyaha

0
614

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dhaqan geliyay xeerka diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo lagu sameeyay wax ka bedel iyo kaabis.

Sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, kaas oo u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014   ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee

 ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha  Xeer Lr. 37/2007

 Wuxuu soo saaray  Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.”