Suldaan Reer Awdal Ah Oo Si Adag U Naqdiyay Hadal Uu Madaxweyne-xigeenku Kaga Hadlay Suldaan Wabar

0
490

Borama (Geeska)-Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil oo ka mid ah Salaadiinta reer Somaliland, gaar ahaana Salaadiinta Gobolka Awdal ayaa si adag uga jawaabay hadalo ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo uu kaga hadlay Suldaan Wabarka buuraha ku jira.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in tabashooyinkii kala duwanaa ee Gobolka ee ay hor dhigeen Madaxweynaha Somaliland ilaa hadda waxba laga qaban, waxaanu yidhi   “Odayada Suldaanada  ama ku tilmaaman Guddida waxa aan leeyahay wixii dhacayba inaga ayaa sameeynay, waa inagii Madaxweynaha hortiisa ka akhrinay waxa Gobolka ka dhiman, waxa loo baahan yahay iyo wixii ka dhacay, waraaqo Sodon bayj gaadhay ayeynu ku akhrinay, tabashadii reer Awdal ayey ku saabsanayd, saami qeybsi ayey ku saabsaynd, waxa aanu gaadhsiinay hadalka haddii waxaas wax laga qaban waayo, waxaas ayaanu yeelaynaa, cida wixii ku kacayday inaga ayaa kicinay”.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil mar uu jawaab ka bixinaayey hadalo ka soo yeedhay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa yidhi “Madaxweyne ku xigeenku waa Nin u dhashay Awdal, Gobolkana waxa uu u yahay Madaxweyne ku xigeen, hadda ka hor ayuu yidhi Gobolka taladiisa aniga ha la ii dhaafo, waa loo dhaafay sida uu doono ayuu ugu tasarufay, xalayna (Habeen hore), waxa aan ka maqlaayey qolo heblaayo Ninkoodan waashay ha soo qabtaan, waxaana ka maqlaayey Nin waalan Walaalkii ayaa u miyir ah, Gobolkani waa Gobolka aad Madaxweyne ku xigeen ku tahay, ee Xafiiska weyn iyo Aqalka weyn aad ku heshay, kolba ciidan ha u soo dirine kaalay wax ka qabo arimihiisa, waajib waxa aad u leedahay inaad wax ka qabato, oo aad geedka u hoos fadhido, Madaxweynaha dhulkiisi iyo dadkiisi u fayow yihiin maxa ku hoos dhigay iskaga kaalay”.

Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil mar uu ka hadlaayey go’aankii Suldaan Wabar ka qaatay Somaliland ayaa yidhi “Dawladdu dareeno kala ayey ka qabtaa, anaga dadka ayaanu dhex joogna, anagu Cudurka ayaanu abuurnay, ee isagu ficilka ayuu muujinayaa,qaarna ugu tageen,  hadda ayaan ku celinaya cudurka anaga ayaa abuurnay,tabashadaydii hore ayey dawladdu waxba ka qaban, qofka tii qaatay, ma halowsana, Abibakar waxa uu na dheer yahay waan goosanay, anagana carabkaygu waxa uu gaadhay haddii sidaas la yeeli waayo waanu goosanaynaa, waanu goosaynay ayuu nagaga duwan yahay, Abibakarna waxa aanu nidhi ayuu raacay”.