Madaxdhaqameedka Sacad Muuse Oo Qaadacay Go’aankii Guddiga Agabar

0
573

Picture2Hargeysa(Geeska):-Kulan qado sharaf ah oo madax-dhaqameedka iyo odeyaasha ka soo jeeda beesha Sacad Muuse ay taageero ugu muujinayeen murashaxnimada madaxweyne ee Md:Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis, sida oo kalena ay ku qaadacayeen go’aankii ay dhawaan madaxdhaqameed ka tirsan beeshaasi ay sheegeen in ay murashaxa xisbiga KULMIYE ay ka beel ahaan u doorteen Muuse Biixi ayaa shalay ka dhacay hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Kulankan oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan Kun qof oo isagu jira Salaadiin,Cuqaal,Wax-garad,Aqoonyahan,Siyaasiyiin ,Xildhibaano iyo dadweyne kale oo aad u tira badan ayaa waxaa ay sheegeen in madaxdhaqameedku aanu shaqo ku lahayn soo xulida ama doorista qofka murashaxa ka noqonaya xisbiga KULMIYE, balse arrintaas go’aankeeda uu leeyahay golaha dhaxe ee xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE oo ah baa ay yidhaahdeen meesha kala reebi karta cid kasta oo han madaxweyne-nimo leh.waxaa kale oo carabka ay ku dhufteen in gudidii laga soo xuley shirkii Hoodaale ee beelaha Sacad Muuse ay galeen shaqo aan loo dirsan isla mar ahaantaana ay dhex dabaasheen arrimaha siyaasada, balse markii hore loo doortay oo qudha sidii ay uga shaqeyn lahaayeen arrimaha dhinaca horumarka beesha Sacad Muuse.

Munaasibadan Ayaa Waxaa Ka Soo Qeyb Galay  Dadweyne Fara Badan Oo Tiradooda Lagu Sheegay 4000 (Afar Kun OO Qof ) Waxaana Halkaasi  Hadalo Kala Duwan Ka Soo Jeediyey Qaar Ka Mid Ah Marti Sharaftii Ka Soo Qeyb Gashay Kulankaas Oo Isagu Jira Sulaadiin, Caaqilo , Jiif-Caaqilo , Xildhinaano Siyaasiyiin, Iyo  Dhalinyaro Tiro Badan.

Ugu horeyn waxaa kulankaasi hadal kooban jeediyey Suldaan Cabdiraxmaan Sacad oo ka mid ah madax dhaqameedka beesha Sacad Muuse, waxaana uu sheegay in aanay ka madax dhaqameed ahaan kala jeclaysanayn saddexda murashax ee beesha Sacad Muuse, isla mar ahaantaana ay beesha dhexdeeda saddexda murashaxba ay u siman yihiin.

"Annagu hadii aanu nahay odeyaal  dhaqameedkii  beesha Sacad  Muuse saddexda musharax way noo siman yihiin oo qaarna ma necbin ,qaarna ma jeclin.Waxaanan leeyahay intaad reerka qaska ka deysaan ku soo kala baxay xisbiga aad ka tirsan tihiin ee KULMIYE dhexdiisa"Ayuu yidhi Suldaan Jaamac.

Jiif Caaqil Cabdiraxmaan oo isaguna sida oo kale halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu dhaliil xoogan u soo jeediyey gudidii laga soo doortay shirkii Sacad Muuse ku qabsaday Agabar ee Hoodaale, waxaana uu sheegay in gudidaasi ay ka leexdeen danihii loo soo doortay, waxaana uu ugu baaqay in ay dib ugu soo laabtaan u jeedkii iyo hadafkii loo doortay oo ahaaba uu yidhi arrimaha dhaqanka iyo horumarinta." waxaan halkan ka hambalynaynaa kuwii fahmay wixii uu Sacad Muuse u doortay,waanan salaamayaa kuwii ka baydhay wixii ay beeshu u dooratay ee waxaan loo dirsanin galay, waxaan leeyahay waad ka baydheen wixii  ay beeshu idiin dirsatay oo ku soo noqda dariiqii laydin ku ogaa ee arrimaha dhaqanka iyo hormarinta beesha.Madaxweynahana waanu ugu celinaynaa oo waanu dooranaynaa cid aanu ku doorsanaynaana ma jiro”ayuu yidhi Jiif Caaqil Cabdiraxmaan.

 

Abshir  Maxamed Xoodiye oo ka mid ahaa gudigii shirkii Agabar ee Hoodaale oo isna halkaasi ka hadley ayaa waxaa uu sheegay in khilaaf lagu soo dhex tuuray gudida horumarinta beesha Sacad Muuse ee lagu doortay Shirkii Agabar.“Khilaafkaasi waxaa sabab  u ahaa qeyb ka mid ah guddidayadii oo dhabarka laga soo taabtay ayaa waxay nagu soo dhex tureen buuq ay kala yimaadeen shir gaar ah oo lagu qabtay gurri ku yaalla Hargeysa oo tijaarteennu leedahay, sideed xubnood ayey ahaayeen meel baa lagu casuumay, maalintaasi ayuu khilaafkii guddigii Agabar bilaabmay. Waxaanse anigu aaminsan nahay inay bilaabantay dhawr bilood ka hor oo muddo dheerba waa nalagu dhex jiray oo xubnaha guddigayaga midba af-baa wax loogu sheegayay.Annagu guddi ahaan waxaanu ahayn guddi  horumarineed ee ma nihin guddi siyaasadeed, shirkii Hoodaalle waxa na la gala dardaarmay in aanaan haba-yaraatee wax siyaasad ah gelin, waxa na lagu yidhi haddii aad siyaasad gashaan waad burburi doontaan, nasiib darro se arrinkaasi annaga nagamuu dhalan guddigayaga dhexdiisa wax ka yimid muu ahayn,waxay ahayd arrin dibada na lagaga keenay oo naga ga yimid siyaasiyiinta iyo tijaarta.”Ayuu yidhi Abshir Maxamed Xoodiye.

Md:Abshir Xoodiye oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaanu isku daynay markii aanu buuqaas ka bixi waynay inaanu dhegaysanno cidan is haysa waanan u yeedhnay sadex nin oo siyaasiyiin ah oo beesha u dhashay oo sharaf naga mudan oo noo siman, waanu waraysanay waraysigayagu waxa uu ka duulayay  oo aanu lahayn gartiina ma noo dhiibateen sidii dhaqanka iyo islaaminimaduba ahayd, waxay ahayd haddii ay gartaas noo dhiibtaan inaanu dhex galo, haddii ay noo dhiiban waayaanna inaanu ka joogsano. Guddigayaga qeyb ka mid ahi waxay noo sheegeen in gartaas naloo dhiibtay, Haddii aan soo xigto hadalkii Cabdicasiis Samaalle oo kale waanu u yeedhnay waliba waanu jujuubnay wuu na soo karaameeyay hadaladiisii waxa ka mid ahaa “Walaaleyaal siyaasad la idiinma diran, annagana arrintayadu meel ayay leedahay lagu kala baxo ee faraha ka qaada,” Markii aanu ku nidhi gartaas ma gallaa oo ma noo dhiibatay wuxuu yidhi “idiinma dhiiban, idiinmana dhiibanayo, anigoo og in dhabarka la idinka soo taabtay oo la idin soo mustafeeyay oo ujeedo gaar ah leh waxba idiinma dhiibanayo,”shakhsiyaga sidaas u hadlaya ee leh waxba idiin dhiiban maayo, inaanu  nidhaahdo gartiisa waanu galaynaa waa gef”.

Siyaasi Ismaaciil Yare oo isaguna sida oo kale halkaasi hadalo kooban ka jeediyey ayaa waxaa ka mid ahaa hadalkiisii.“In uu nina noqdo weerar, nina noqdo difaac, waa laga qurux badan yahay, oo maalin walba laynala soo hortaagnaado.Waxa kale oo iyaduna jirta in Salaadiin iyo Odeyaal sharaf iyo karaamo lehba ay taageero ka bixiyaan reer ahaan ceeb ayaa a inagu tahay, markaa ceebtaasi in ay joogsato ayaa loo baahan yahay”.

Ugu danbeyntiina waxaa munaasibadaasi soo gunaanadey Suldaan  Ibraahim Sulub Nuur, waxaana uu yidhi:“Salaadiinta taageertay hadalkii nimankii guddidii Agabar ka mid ahaa gaadheen  ee khilaafka abuurtay salaadiinta taageertay waxaan leeyahay waxba ma tihidin, Suldaanka guudna haddii aanay  shan  jiif caaqil  ugu yaraan aanay kalsooni siinin, miyuu kalsooni cid siin karaa, isagiiba kalsooni ma haystee.Salaadiinta kale ee reer Hargeysa ee iyaguna wax baanu taageernay yidhi waxaan leeyahay waxaad tihiin dhidar onkod kiciyay, waxa wanaagsan inaad hubsataan, wixii la isku raacsan yahay ayaa la taageeraa, haddii aanad ka mid ahayn kuwa khilaafkan abuuray ee dadka iska hor keenaya,haddii kale adigaa wax isu dhimaya oo suldaan-na ma tihid waxaad taageertayna wax jira ma aha,”ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Sulub Nuur.