Madaxweyne Siilaanyo Oo Cambaareeyay Xasuuqa Lagu Hayo Shacabka Reer Falastiin

0
657

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa si adag u cambaareeyay xasuuqa lagu hayo shacabka reer Falastiin.

Qoraal kooban oo la geliyay barta twitterka ee Madaxweyne Siilaanyo, waxa lagu sheegay inay Somaliland garab taagantahay dadkaas dhibaataysan. “Waxaanu dhammaantayo si xoog leh u cambaaraynaynaa dambiyada laga galayo dadka reer Falastiin. Somaliland waxay garab taagantahay dadka dhibaataysan.” Ayaa lagu yidhi qoraalkaas oo aad u koobnaa.

Madaxweyne xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa hore u cambaareeyay xasuuqa lagu hayo shacabka reer Falastiin.