Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Sheegay Inay Ka Go’an Tahay Inay Xidhaan Seeraha Qool-Caday Iyo Aroori

0
796

Picture2Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaradda  Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali, ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay xidhaan   Banka Qool-caday iyo Banka Aroori, waxaanu tilmaamay inay Dad degan deegaanadaas oo fikrad khaldan ka aamisan Seerayaashan la xidhayo in  ilaa inta la soo af- jaraayo Muranka  ka taagan Deeganadaas iyo ilaa inta ay ka dhaadhicinayaan in aan la beeri doonin, waxaanu xusay Wasiiirku in Seerahani faa’iido iyo waxtar u leeyahay dadka degan Deeganadan.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, ayaa sheegay inay Wasaarad walba ay leedahay shaqo gooniya, beerida Seerayaasha Qool-caday iyo Aroori ay ka mid yihiin shaqooyinka ay waajibka u leedahay Wasaaradda Xanaanada Xooluhu, waxaanu Wasiirku ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaad Maalmahan Ogaydeen in la yidhi Bananka Qool-caday iyo Aroori la xidhi maayo, oo aanu ognahay culayska ay ku  leedahay Dadkayaga, dadkana aanu u samrayno oo aanu ka dhaadhicinayno waxtarka ay u leeyihiin dhulkaasi. Wasaarad kastaa waxay leedahay Waajibaad gaar ah, wasiirka Duulistu markuu yimaad wuxuu odhanayaa, waxaan dhisayaa Madaarkii Hargeysa, ka Berbera ka Laascaanood, Wasiirka Caafimaadku sidaasi oo kale ayuu odhanayaa Cusbitaaladii magaalooyinkaasi ku yaalay ayaan dhisayaa, Anagu markaanu nimidna waxaanu ku fikiray inaanu Seerayaashii Qool-caday, Aroori iyo Bancawl dhisno, oo waa waajibkayaga.haddaanu ka tagno aanan seerin waxa weeye waxba wasaarad ahaan iyo wasiir ahaanba maanaan qaban” .

Wasiirka Xanaanada Xoolaha isaga oo ka hadaly qiimaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ayaa  yidhi “Waxaanu nahay Wasaaradda ugu muhiimsan, waxaanu nahay Laf-dhabarta Dhaqaalaha ugu muhiimsan, waxaanu nahay waxaynu Cashuurta ka helo, waxaanu nahay waxaynu Waxbarashada ka helo, markaas waa waajib na Saaran, Dawladdan saaran, idinka idin saaran, Badhasaabka Gobolka Saaran, Wasaaradda Daakhiliga saaran inaynu hirgalino wixii xoolaheena wax u taraya ee aynu wax ugu qabanayno . Wasaaradda Xanaanada Xooluhu iyadoo taas ka duulaysa, iyadoo og in Shaqaalaheenu Boqolkiiba Sideetan ka yimaado Xoolaha nool, mid Raaca, mid Iibsada, mid dhoofiya, mid Xaraasha, mid Caanaha iibiya, mid Hilibka iibiya.markay sidaas tahay waxa weeye in lala hirgaliyo Daaqsimaha aanu doonayno inaanu xoolaheena u qabano, warbaahinta iyo dadka kaleba nagula tabcaan”.

Wasiirka oo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi“ Daaqsin dadka laga wada kaxaynayaa ma jirto, mar halkan ayaynu u beeraynaa, marna halka kale ayaynu u beeraynaa, kolbana meeshii aynu u beerno ayaynu odhanaynaa daaqa. Waxay labadaa meelood oo kaliyi Seeraha Qool-caday iyo Aroori  ku filaan kartaa Malyan Neef oo Xoolaha ah. Waxa weeye dareenka dadka waanu ognahay, marka wax la bilaabayo dhibaatadeeda waanu ognahay, se laakiin waynu u dulqaadanaynaa oo waxaynu ugu dulqaadanaynaa bal inaynu dhadhansiino waxtarkiisa oo sida maanta aynu u fahmayno waxtarkiisa ay inoola fahmaan. Dadku ma diidana in wax la taro laakiin waxa suuro gal ah inaanay u fahmin sida maanta aanu u fahansanahay waxtarka seerahu leeyihiin”

Wasiirka Xanaanada Xoolaha waxa uu u intaas ku daray hadalkiisa “Waxaanu doonaynaa halkan inaanu idinka fahansiino, warbaahinta idiinku sheegno Waxtarka Seeraha, iyadoo Madaxweyne xigeenkii iyo Dawladdii oo dhami  u dhantayna Seeraha la xidhayo. Kalmada Jaabiri ayay ku soo celceliyeen, Meeshan Jaabiri ma leh, Indha Deerana ma leh, Ganacsato kalena ma leh, Cid gaara oo loo xidhayana ma leh ee waxaa loo xidhayaa dadka.markaa haddaanu sheegno, oo Gole ka sheegno oo Guud ka sheegno dee waxa weeye in dadku qaataa, Cabdi Awdaahirna ma fulinayo ee dawladdaa fulinaysa”.