Cali-Gurey Oo Ka Hadlay Qorshaha Cusub Ee Ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ku Sheegtay Inay Ka Baxday Wada Hadalkii Somaliland iyo Somaliya

0
594

 

guray kkHargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Gurey), ayaa ka hadlay go’aanka ay xukuumadda Somaliland gaadhay ee ah inay ka baxdo wada hadaladii u socday Somaliland iyo Somaliya.

 

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa joojinta wada hadaladan ku sababeeyay dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee Muqdisho ka socda oo uu qorshuhu yahay in lagu soo doorto dawlad bedesha xukumadda wakhtigan jirta oo ah mid ku meelgaadh ah. Hase yeeshe Mujaahid Cali-Gurey, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika , ayaa sheegay inuu qorshahan cusub ee xukuumadu yahay mid aan loo baahnayn mar haddii ay dawladii timaadaba la xaajoonayaan. “Haddii ay la bilaabayaan dawlada cusub wada hadalka wixii ka danbeeya bisha sideedaad 21-keeda, looma baahna inay yidhaahdaan waanu ka noqnay ileen wada hadaladii dawalada cusub ayaanu la bilaabayna ayay leeyahiine.” Ayuu yidhi Cali-Gurey oo uu Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko qorshahan cusub ee xukuumadda, waxaanu intaas raaciyay “Shir loo muddeeyay oo ay ka baxeena haddanu jirin waxa qalada inay yidhaadaan waanu ka baxnay ee waa inay yidhaahdaan wada hadalada halkii baanu ka sii wadaynaa marka dawlada dambe timaado imika wax wada hadal ah oo noo mudaysani  ma jiraan.”

Cali-Gurey, oo la weydiiyay sida uu u arko sababaha ay xukuumadu u nisabaysay ka bixitaanka wada hadaladan, waxaanu yidhi “Siday ay hadalka u dhigeen waxaan rumaysanahay in ay tahay wax aan sax ahayn, waayo bari-toolana marka dawlad cusub la sameeyo waanu ku noqonay miyay odhanayaan. Markaas siday hadalkaa u dhigeen in aanay sax ahayn ayaan u qabaa, imika HAA iyo MAYA ayay wada leeyahiin.”

Qaar badan oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka ayaa aaminsan inaanay jirin sabab cad oo xukuumadda Somaliland ku kalifi karta inay ku ku dhawaaqdo inay shirkii ka baxday, maadaama oo ay marka horeba wada hadalada gashay iyadoo Wakhtiga Sheekh Shariif ay maalmo ka hadheen. Waxaanay dad badani aaminsanyihiin inuu jiro qorshe cad oo xukuumadda ku kalifay inay go’aankan qaadato, kaas oo aan bulshada weli loo soo bandhigin.