Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Oo Laga Helay a Covid_19, Xilli Faafidda Xanuunku Xawli Ku Socoto

0
420

 

Hargeysa (Geeska) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddiga ka hor-tagga Xanuunka Covid_19, Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa laga helay xanuunka Covid_19.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo Xalay qoraal ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayuu ku sheegay inuu saddexdii Maalmood ee u dambeeyay la tacaalayey xanuunka Covid_19, sidaasi darteed loo baahan yahay in Dadweynuhu raacaan Tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa qoraalkiisa oo koobaan ku yidhi  “Waxaan shacbiga Somaliland la socodsiinayaa in aan la tacaalayay saddexdii cisho ee u danbeysay Xanuunka COVID-19.”

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu sheegay oo kale “Bulshada waxaan ku boorrinayaa in ay raacaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka, aniga iyo inta xanuusanna noo soo duceeyaan…”ayuu yidhi.

Xanuunka Covid_19 oo dunida ku soo laba-kacleeyay, ayaa faro-baas ku haya meelo Somaliland ka mid tahay.

Sabtidii waxa Wasaaradda Caafimaadka Somaliland sheegtay in geerida uu sababayo xanuunka Covid_19 ay joogto ka noqotay Somaliland.

Geeska.net/Hargeisa Office