Xildhibaan Guurtida Ka Tirsan Oo Ka Hadlay Abaarta, Kuna Baaqay In Alle la baryo

0
501

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira deegaanka ka tirsan dalka iyo xanuunka Covid_19 oo caalamka dib ugu soo laba kaclaayey dadna ugu geeriyoodeen dalka. 

Xildhibaan Maxamed-weli Warsame Cali, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Wax walba oo dunida dusheeda ka dhacaya ALLE ayaa hore u sii qoray, ALLE ayaana og, inaguna haddii aynu nahay dad islaam ah, waxaa mar kasta la inooga baahan yahay inaynu imaankeena ilaalino, oo aynu ogaano inay wax walba qadarka ALLE ku dhacayaan, qof walbana sidii u geeriyoonayo ALLE ayaa og, xanuunkana Covid_19 iyo xanuunada kaleba ALLE ha inaga hayo, waxaana loo baahan yahay inaynu mar kasta aad isku ilaalino oo aynu ALLE barino, wacyigelinta waa in sideeda loo qaataa”.

Mar uu ka hadlayey abaaraha ayaa yidhi “Abaaraha ALLE mooyee cid kale oo inaga dulqaadi kartaa ma jirto, ee aynu ALLE mar kasta barino, oo aynu ka barino inuu abaaraha inaga dulqaado, inaguna beddelo maddarkiisa iyo roobkiisa oo khayr qaba, inta badana markay roobabku inoo yimaaddaan oo ALLE inoo shubo, biyuhu siday u socdaan badaha ayay galaan, markay abaaruhu inagu dhacaana qaylo-dhaanta ayaa badata, markay roobabku inoo da’aana biyaha kama faa’iidaysan ee si aynu wax badan uga maarano, waxaa la inooga baahan yahay inaynu la nimaadno wax soo saaro, oo aynu dib ugu noqono inaynu dhulkeena beerano, waxna la soo baxno, si aynu uga maarano waxyaabo badan oo dibadda la inooga keeno”

 

Geeska.net/Hargeisa Office