Dawladda Somaliland Oo Sheegtay Inay Dalka Ka Mastaafurisay Dad Si Sharci-darro Ah Hawlo Macdan-baadhiseed U Waday

0
709

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay qab-qabatay isla-markaana ay dalka ka Mastaafurisay Shaqsiyaad si sharci-darro ah dalka u soo galay isla-markaana waday hawlo Macdan baadhis ah.

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Maxamuud Cigaal, ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan dalka ka mastaafuriyeen Dad waday Macdan baadhis sharci-darro ah.

Wasiirka oo Shalay la hadlay Telefiishanka SAAB oo Geeska Afrika uu Warkan ka soo xigtay ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi  “Shaqsiyaad si sharci-darro ah u soo gadhay Dalka oo tallaabooyin Macdan ka shaqayn ah ka shaqaysay waanu qabanay, dalkana waanu ka saarnay, waxaanu uga digaynaa Ciddii hawshaa dib ugu soo tahambaabta in tallaabo Adag oo Sharciga waafaqsan laga qaadi doono..”

Wasiirku wuxuu sheegay oo kale in dalka laga helay shidaal, ka dib baadhis muddo dheer la waday “Waxaynu ognahay in Waddanka shidaal ku jiro oo waalla helay, baadhitaannadaa hore ee la sameeyayna rejo wanaagsan ayay muujinayaan, waxay u baahan tahay in la ogaado in shidaalkaa la arkay ee meeshaa ku jiraa ma yahay mid Ganacsi geli kara, si loo maalgeliyo, taasina waxay u baahan tahay in qoditaan lagu sameeyo, qoditaankii baana loo diyaar-garoobayaa, waxaana dib u dhigay Xanuunkan dunida ku soo noqday, kaasaana weli dabada inna jiidaya..”

Ugu dambayn, Wasiirka Wasaaradda Macdantu ma sheegin Dadka ay mastaafuriyeen Dalka ay u dhasheen.

 

Geeska.net/Hargeisa Office