Madaxweyne Ka Waramay Qiso Dersi U Ah Xidhiidhka Wanaagsan Ee Lammaanaha Is-qaba

0
759

Picture8Hargeysa (Geeska)- Abu Bakar Zaynul-Caabidiin Cabdikalaam oo ahaa madaxweynihii 11aad ee dalka India ka talinayey intii u dhexeysay 2002dii illaa 2007dii ayaa maalin maalmaha ka mid ah ka sheekeeyey qiso soo jiidatay dareenka guud ahaanba dadyowga maqlay ee ku dhaqan dunida daafaheeda, sheekadaas madaxweyne Cabdikalaam waxa ay muujinaysaa hab-dhaqanka fiican ee uu aabihii kula macaamili jiray hooyadii, waxaana ku jira dersi aad u qiimo badan oo laga baranayo mid ka mid ah anshaxyada fiican ee ay tahay in nin kastaa uu xaaskiisa kula macaamilo, haddaba qisadan oo uu Geeska Afrika afka Soomaaliga u soo rogay waxa uu madaxweynuhu ku bilaabay, “Berigii aan wiilka yar ahaa, ayaa maalin maalmaha ka mid ah hooyaday ay sidii caadadu ahayd habeennimo na siisay cuntadii ay noo karisay, waxa ay ahayd casho ay samaysay maalin hawshu aad ugu badnayd, hooyaday waxa ay miiskii cuntada soo saartay roodhi si aad ah u gubatay.

Waxa aan sugay bal in cid qoyska ka mid ahi ka dareen celiyaan roodhida gubatay, aabahay haba yaraato ee wax dareen ah ma’ uu muujin, si aanu wax dareen ahi ka muuqan ayaa uu isaga cunay, isaga oo si caadiya iga waraysanaya dugsigii iyo xaaladdayda maalintaas ee dugsiga.

Ma xasuusto waxa aan ku idhi, laakiin waxa aan si fiican u xasuusanahay hooyaday oo aan maqlay iyada oo aabahay ka raalli gelinaysa cuntada gubatay ee ay na siisay. Waxa aan illaawi waayey ereyadii uu aabahay hooyaday ugu jawaabay oo ahayd, “Gacalo, aniguba waxa aan jecelahayba roodhida gubatay in aan cuno”

Isla habeennimadii markii aanu seexanaynay ayaa aan u tegey aabahay si aan u sii salaamo inta aanan seexan, waxa aan weydiiyey, bal in ay ka run ahayd jacaylka uu sheegay in uu u qabo roodhida gubatay, inta uu labadiisa gacmood hareeraha iga mariyey oo uu i soo qabsaday ayaa uu igu yidhi, “Inankaygiiyoow, hooyadaa maalin hawl badan ayaa ay u ahayd, aad ayaanay u daallanayd… cunto gubatay oo la cunaa wax dhibaato ah qofka ku keeni mayso… Laakiin hadallo fool xun iyo ereyo qallafsan oo aad ku tidhaahdaa dhib ayaa ay ku keenayaan”!!

Aabahay oo weli hadalkii ii wada ayaa intaas ku sii daray, “Inankaygiiyoow, waxa aad xasuusnaataa, in noloshu ay mar kasta dhan-taallantahay oo wax ka dhiman yihiin, qof mar kasta dhamays ahina aanu jirin… Allaah oo keliya ayaa dhamaystirane ah… Waxa aan ka bartay (Nolosha) ee aan mar kasta ku dadaalayaa, waa in aynu qaladaadkeenna isugu dul-qaadanno, mar kastana ku dadaalno in xidhiidhkeennu noqdo mid diirran oo xooggan… noloshu aad ayaa ay u gaaban tahay, sidaa awgeed ku dadaal in aad jeclaato dadka si cadaalad ah kula dhaqma, kuwa ka gaabiya taasna u dul qaado”

 Abu Bakar Zaynul-caabidiin Cabdikalaam oo dhashay sannadkii 1931kii waa saynisyahan caan ka ah dalkiisa iyo dunida oo dhan, waxa uu ikhtiraacay noocyo ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dalkaa ee dalka India samaysto, waana aabaha hubka Nukliyeerka ah ee dalka India, Abu Bakar oo caan ku ah Digtoor Cabdikalaam waxa uu ka soo jeedaa qoys faqiir ahaa oo muslim ah, sharafta cilmigiisa uu uga faa’ideeyey dalkiisa awgeed ayaana sannadkii 2002da loo doortay in uu dalka ka noqdo madaxweynihii saddexaad ee Muslim ah ee dalkaas soo mara.