Guddiga Doorashooyinka Oo Xalay Madaxweynaha U Gudbiyay Wakhtiga Ay Doorashada Ku Qaban Karaan

0
668

newsHargeysa(Geeska)-Guddiga doorashooyinka qaranka ayaa xalay Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyay wakhtiga rasmiga ah ee ay doorashada madaxtooyada iyo Baarlamaanka ku qaban karaan, kaas oo ah badhtamaha sannadka dambe.

Ma jiro war rasmi ah oo ay guddiga doorashadu soo saareen, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in guddiga doorashooyinka ay xalay Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen inay doorashooyinka qaban karaan 1-da June ee 2016 oo ah sannadka dambe, iyagoo bisha December ee sannadkan 2015 dhammaystiri doona hawlaha diiwaangelinta islamarkaana sida sharcigu qabo lix bilood ka dib doorashada qaban doona.

Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa inuu Arbacada beri u gudbiyo wakhtiga cusub ee guddiga doorashadu qabatay golah guurtida oo iyaguna muddo kordhin u samayn doono Madaxweyne Siilaanyo iyo ku xigeenkiisa oo wakhtigii ladoortay uu kaga eegyahay 26 June 2015.

Doorashooyinka ayay ahayd inay qabsoomaan bisha June 26-keeda ee sannadkan 2015.