Hooyo Dhaawacyo Gaadhsiisay Inankeedii Oo Aroos Ahaa, Kadib Markii Ay Ka Cadhootay Kabo Uu Aroosadda Ugu Dhex Xidhayey Xafladda

0
661

Riyaad (Geeska)- Hooyo Sucuudi ah oo deggen magaalada Riyaad ayaa kabo aad u culus madaxa kala dhacday inankeeda oo aroos ahaa kadib markii ay ka cadhootay inanka oo damcay in uu golaha xafladda arooska dhexdiisa kabo ugu xidho gabadha uu guursaday.

Dhacdadan oo ka yaabisay boqolaal qof oo joogay xafladda arooska waxa warbaahinta ugu warrantay gabadha aroosadda ahayd oo dalbatay in magaceeda la qariyo, waxaana hadalladeeda ka mid ahaa. "Hawsha xafladdu si caadi ah ayaa ay u socotay, qol gaar ah ayaa ay dumarku ku jireen ragguna qol u gaar ah, (Sida uu dhaqanka Islaamku yahay), markii la gaadhay xilli ay ballantu ahayd in ninka aroosku soo galo qaybta dumarka ee caruusaddu joogto si uu keegga u jaro, fargalkana ugu xidho ayaa uu kadinka ka soo galay isaga oo sida sanduuq yar oo dahabi ah, Sanduuqa waxa ku jiray beer kabo ah oo uu qorsheeyey in uu dadka dhexdiisa iigu xidho, si uu igu muujiyo jacaylka uu ii qabo” Aroosaddan oo sababo dhinaca sharafta la xidhiidha awgeed magaceeda u qarisay ayaa iyada oo ka waramaysa waxa dhacay markii uu saygeedu doonay in uu kabaha u xidho, waxa ay intaas ku sii dartay, “Markii uu soo galay, waxa la bilaabay sacab, sanduuqan quruxda badan ee uu sito waxa gudihiisa ku jira cidina ma'ay ogeyn, hooyadii dhinacayga ayey fadhiday farxad iyo qosol ayaanay la mashxaradaysay sacabkana u tumaysay inankeeda. Markii uu arooskii igu soo dhowaaday ayuu furay Sanduuqii, waxaanu ka soo saaray kabihii, kadib waxa uu u foorarsaday in uu ii xidho.

Markaas ayaa ay hooyadii cadho cirka martay, si deg deg ah inta ay u soo boodday oo kabihii uu siday ay ka dhufatay ayaa ay madaxa kala dhacday. Cayna wax kasta waa ay ku tidhi iyada oo weliba ku sheegaysa in uu yahay waalid caasi"

Gabadhan aroosadda ahayd oo hadalkeeda sii wadda ayaa tidhi, "Waan rumaysan kari waayey indhahaygii, riyo ayaan u qaatay markii aan arkay soddohday oo ninkaygii dadkii oo dhan dhexdooda kab la dhacaysa dhiigguna uu madaxiisa ka hoorayo. Dadkii waxa ay bilaabeen buuq iyo inay isku dayaan in hooyada ay qabtaan, ugu dambayntii ninkayga walaashii (Dumaashiday) ayaa ku guulaysatay in aniga iyo ninka ay naga saarto golaha xafladdu ka socotay… nabarro waaweyn ayaa uu qabay isaga oo dhiig qariyey dharkiisii oo dhan ayaana loola cararay cisbitaalka, nabarrada madaxa ka gaadhay midkood waxa la tolay 14 qodob illaa haddana cisbitaal ayaa uu yaallaa, aniguna aan joogaa gurigii aanu ku hoyan lahayn aniga oo aan wehel haysan"

Hooyadan oo si aad ah ugu adkayd dhaqanka ayaa la sheegay in ay ka cadhootay in wiilkeedu uu xaaskiisa kabo ugu dhex xidho dadka dhexdooda, arrintaas oo ay u arkaysay in ay liidnimo ku tahay ragannimadiisa, ceebna ku tahay dhaqanka soo jireenka ah ee looga bartay ninka Sucuudiga ah.