Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Muwaadin Reer Somaliland Ah Oo 7 Sano Ku Xidhan Jabuuti

0
943

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay Muwaadin reer Somaliland oo Xukuumaddii hore ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u dhiibtay Dawladda Jabuuti.

Madaxweyne Biixi oo Maanta dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markii isaga iyo Wefti uu hoggaaminayey Jabuuti u tageen Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo dib loo ambo-qaaday, ayaa sheegay inuu Dawladda Jabuuti kala hadlay Kiiska muwaadin Magaciisu yahay Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim, kaasi oo muddo 7 sano ku dhow ku xidhan dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inay dawladda Jabuuti kala hadleen arrinta muwaadinkan oo caddaalad-darro tirsanaya, waxaanu yidhi isagoo arrintaa ka hadlaya “Waxa jira Nin Muwaadin ah oo reer Somaliland ah oo 7 sano Jabuuti ku xidhnaa oo falal Argagixiso u xidhnaa oo tirsanaya in Caddaalad-darro lagu xukumay oo aanu tiisii helin..”

Madaxweyne Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waanu kala hadalnay Dawladda Jabuuti, faylkiisa dib loo furayaa..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Iisha Allaah isaguna natiijo wanaagsan ayuu ku gaadhi doonaa….”

Ninkan Jabuuti ku xidhan iyo Rag kale ayaa Xukuumaddii hore ee Somaliland xidh-xidhay, ka diib markii Qarax ka dhacay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasi oo lagu xidhiidhiyey inay Qaraxaa ku lug lahaayeen, balse Xukuumaddii xilligaa ayaa Jabuuti u dhiibtay Muwaadinka Magaciisu yahay Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan Ibraahim, halka laga tagay oo aan la dhiibin Raggii kale ee lala qabtay.

Hooyada dhashay Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan oo dhowr jeer Warbaahinta Somaliland ka soo muuqatay ayaa sheegtay in la takooray, si gaar ahna Wiilkeeda loo beegsaday looguna dhiibay Jabuuti.

Hooyada dhashay Wiilkaasi ayaa Telefiishannada ka soo muuqatay iyadoo ilmaynaysa.

 

Geeska.net/Hargeisa Office