Jaamacadda Addis Ee Burco Oo Door Weyn Ka Qaadatay Daahfurka Kal Tirsigii Soomaalida

0
572

Burco (Geeska)- Waa amin habeen ah oo goorsheegtu tilmaamaysay toddobadii fiidnimo. Madal aad u qurxoon oo madax iyo mijo ba isku arkeen il-yartuna is qabatay ayaa loo ballansanaa si  dhegaha loogu raariciyo abwaanno, farshaxanno, qoraa, iyo aqoonyahanno ka soo kicitimay magaalada Hargeysa. Waxay ka dhacday barxadda dugsoon ee jaamacadda Addis ee magaalada Burco. Hillinka iyo ujeedaddada ayaa ahayd in miiska la soo saaro arrin aan ugub ahayn ee curad ah – waa kal-tirsi Soomaalidii hore muddo dheer amintooda iyo agaasinkooda ku salayn jireen. Guud ahaan ardayda jaamacadda Addis ayaa madasha ku badnaa waxa aan yaguna madasha ka dheerayn ardaydada jaamacadaha kale ee isla magaladaas. Waxa mar keliya soo jiitay ka-soo-qayb galayaasha hal-ku-dhiggii barnaamijka oo ahaa mid ay aad ummaddu ula ashqaraartay ‘Oday Ka Sheekee’. Ugu horreyn waxa madasha ka hadlay Guddoomiyaha jaamacadda Addis Cali Caashuur oo si weyn u soo dhaweeyay barnaamijkan isla markaana gacmo furan ku soo dhaweeyay martida ka socotay Hargeysa. Guddomiyuhu wuxuu si xeel dheer u faahfaahiyay barnaamijkan oo uu ku sheegay mid muhiim ah markii loogu baahida badnaana yimid.

 Af-hayeenka ururka Hiil Ummadeed ee soo bandhigayay barnaamijkan Muuse Cabaydh ayaa isna madasha ka hadlay. Af-hayeenku wuxuu ku dheeraaday hillinka iyo ujeeddada loo yagleelay Hiil Ummadeed iyo saamaynta togan ee uu bulshada ku leeyahay ururkani. Muuse wuxuu ku dheeraaday taariikhda guunka ah ee bulshadani ku dhaadato iyo sida loo marin habaabiyay ee mid aan sal iyo raad toona lahayn loogu jalbeebiyay. Waxa uu mahad weyn u jeediyay jaamacadda Addis iyo guddoomiyaheeda Cali Caashuur  oo si weyn uga muuqday qaban qaabada madal-aqooneedkan isagoo jaamacadaha kale na ku boorriyay inay ku daydaan tallaabadan horusocodka ah ee ay qaadday jaamacaddu. “Waa tallaabo ku-dayasho mudan in maanta ummadda loo soo bandhigo taariikhda duugga ah ee Ilaahay dalkan iyo dadkan ku mannaystay,” ayuu yidhi Muuse. Waxa isna madashaas ka hadlay Guuleed Maxamed Yaasiin “Dalxa” oo ah tifatiraha wargeyska The Independent Post oo isagu ka hadlay mawduuc cinwaankiisu ahaa Xiddigiska, Sayniska iyo Qur’aanka. Ugu horreyn, waxa uu Guuleed ka hadlay gundhiggii waxbarashada iyo aqoonta caalamka iyo halkii ay wax ka yagleelmeen. “Sida lagu male weynyahay waxay aqoontu ka bilaabantay carriga Giriigga gaar ahaan magaalo la odhan jiray Athens halkaas oo ay mufakiriintii hore ugu horreyn ka amaamudeen tiirarkii asaasiga ahaa ee aqoonta.” Isagoo ka hadlaya goorta ay Muslimiintu hoggaanka qabteen, wuxuu yidhi Guuleed Dalxa, “Sannadkii 750 ayay ahayd markii Muslimiintu majaraha u qabteen aqoontan maadiga ah. Waxay ka faa’idaysteen bar-bilawgii Giriigga; waxay ku dareen daah-furyo hor leh; waxay miiska soo saareen ikhtiraacyo bari iyo bogax ba ka dhacay illaa maantana laga marag furo. Hannaanka uu maanta saynisku u shaqeeyo oo loo yaqaan scientific method waxa daahfuray al-Haysamii 1000 sanno ka hor.” Wuxuu ku dheeraaday Guuleed Muslimiinta iyo horumarkii ay gaadhsiiyeen aqoonta dihin ee maadiga isagoo dareeriyay geesaha  kala duwan ee sayniska sida xisaabta, xiddigiska, caafimaadka, cilmi-nafsiga, juquraafiga, fiisigiska iyo qaar kale kuwaas oo ay Muslimiintu wax ku soo kordhiyeen. Ugu danbeyntiina waxa uu Dalxa hoosta ka xarriiqay daah-furradii dhawaan reer Galbeedku ogaadeen ee gaadhay darajada “xaqiiqda” iyo sida uu Ilaahay ugu sheegay kitaabkiisa Qur’aanka ah 1400 sanno ka hor. Taas na wuxuu ku tilmaamay mid waddada u xaadhay in dad badani soo galaan diinta Islaamka.

Abwaanka fankiisu folaadka yahay ee Gabax loo yaqaanno ayaa isna madashaas ka tiriyay maanso dadweynihii iyo ardaydiiba aad u soo jiidatay dhegahooduna dhab ugu raaxaysteen. Waxa uu abwaanku yididdiilo geliyay dhallintii qalin qoyanta ahayd ee madashaas fadhiday; wuxuu ku dheeraaday Soomaalidii hore iyo qaddarintii ay u hayeen haweenka; dhammaan dadkii madasha fadhiyay ayaa illaaway dhaxantii iyo gabadannadii jiilaalka. Ugu danbeyn wuxuu abwaanku haweenka kula dardaarmay in si qumman oo qummaati ah u waajahaan waayaha isagoo dhanka kale na boorrin iyo bogaadin u jeediyay dadka reer Burco oo uu  ku tilmaamay kuwo hoy u ah suugaanta. Qoraa Naasir Axmed Ibraahim oo ka tirsan Hiil Ummadeed ayaa isna madashaas ka soo jeediyay khudbad muddo badan la sugayay oo uu kaga hadlay taariikhda ma-guurtada ah ee Soomalidii hore iyo sidii ay ugu naaloon jireen badweynta aqoontadooda. Wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay magaca daah-furkan oo loo bixiyay ‘kal-tirsi’. Naasir wuxuu si gaar ah uga dooday khaladaadka ku jira kal-tirsiga Miilaadiga ee Gregorian ka loo yaqaanno iyo sida uu u baal marsan yahay diinta suubban ee Islaamka isagoo soo bandhigay caddaymo xooggan.

Guntii iyo gunaanadkii waxa madasha soo xidhay aqoonyahanka weyn ee wakhtiga badan ku bixiyay kal-tirsigan; waa farshaxanka, qoraaga Axmed Cali Garas. Waa qoraagii sheekadii la magac baxday Shandaraley oo guud ahaan geyiga Soomaalida caan ka ah. Waa ninka leh magaca Ma-Qalloocshe oo isagu si mug leh u sharraxay kal-tirsigan. Waxa uu ku dheeraaday Soomaalidii hore iyo sidii ay u yiqiinneen cilmiga falagga. Ma-Qalloocshe wuxuu sheegay in muddo ka badan 17 sanno uu ku hawlanaa xiddigiska isagoo si weyn u bartay aqoontan, meel sare na ka gaadhay. Ardayda ayaa si diirran ula socday casharrada uu bixinayay xidaarku yagoo si weyn u soo dhaweeyay kuna farxay A.A.Garas oo ay in badan magaciisa maqlayeen muuqiisa se aanay weli arag. Kolkii uu soo af-meeray barnaamijka,waxa uu u oggolaaday dadweynaha iyo ardayda inay weydiiyaan haddiiba ay weydiimo ka guuxayaan maankooda. Warcelintoodii ayuuna si degdeg ugu halceliyay.