Guddoomiye Cirro Oo Ka Waramay Kulamo Uu La Yeeshay Deeq Bixiyayasha Dalka Taagera

0
617

Picture3Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,sida oo kalena ah guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa ka warbixiyey kulan ay Axsaabta Mucaaradku ay la yeesheen qaadhaan bixiyeyaasha Somaliland ka taageera dhinacyada dhaqaalaha,hirgalinta dimuqraadiyada iyo doorashooyinka oo maalmihii u danbeeyey ku sugnaa dalka.waxaana uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii ay Somaliland uga taageeri lahaayeen dhinacyada horumarka,Doorashooyika iyo sida oo kale sii horu-marinta sanduuqa dhaqaalaha Somaliland.

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa,waxaana uu sida oo kale uu carabka ku dhuftay in xog waran guud ay ka siiyeen xaalka ay Somaliland marayso.

"Sida aad ka warqabteen,waxaa Isniintii iyo Salaasadii joogay wafti balaadhan oo ka socday beesha caalamka,gaar ahaan deeq bixiyeyaasha gacanta siiya Somaliland ee xaga Dimuqraadiyada iyo xaga Horumarkaba.Markaa waftigaa balaadhan ee yimi oo u socday arrimaha guud ahaan Somaliland Doorashooyinka,Diiwaan galinta codbixiyeyaasha iyo deeqaha la siiyo Somaliland,waanu aragnay waana aanu kala hadalnay guud ahaanba iyaguna waxaa ay nooga warbixiyeen arrimaha Doorashooyinka iyo Diiwaan galinta iyo waliba guud ahaanba arrimaha Somaliland khuseeya haddii ay tahay Sanduuqa horumarinta Somaliland oo dawlado hore ugu jiri jiray ay ku soo biireen oo markii hore waxaa uu sanduuqaasi ka koobnaa Ingiriiska iyo Denmark laakiin dalalka hada ku soo biiray ee ay ka midka yihiin Holand,Jarmalka iyo Norway oo sanduuqii waa la balaadhiyey.Markaa guud ahaan arrimaha qadiyadaha Somaliland,Kaalmada Somaliland,Arrimaha Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada iyo warbixinaha guud ee Somaliland ayaanu ka wada hadal nay"Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).