Madaxweynaha Somaliland Oo Qaramada Midoobay U Sheegay Qorshihiisa Ku Aaddan Laascaanood

0
71

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Qaramada Midoobay, ayaa ka wada-hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa Qaramada midoobay u bandhigay Qorshihiisa ku aaddan xaaladda

Laascaanood oo Ciidamada JSL dibedda ka joogaan xilligan, ka dib dagaal halkaas ka socday muddo 8 bilood gaadhaysa.

Madaxweyne Biixi, ayaa Wefti ka socday Qaramada Midoobay oo Salaasadii kula kulmay Hargeysa u sheegay in marka Laascaanood ay tahay uu doonayo in wax walba la dejiyo.

Sidaana waxa sheegtay Ergayga Qaramada Midoobay U qaabilsan Somalia Catriona Laing oo Maanta booqasho sagootin ah ku timid Hargeysa, maaddaama oo muddo-xileedkeedii shaqo dhamaaday.

“Ka hor dhamaystirka hawsheeda ergayga Qaramada Midoobay Catriona Laing, ayaa Maanta booqatay Hargeysa, waxayna halkaas oo ay kula kulantay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.”

Ayaa lagu yidhi qoraal lagu baahiyey bogga X ama Twitter-ka ee Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia, kaasi oo intaa ku daray “Waxay ka wada-hadleen doorka Qaramada Midoobay ee taageerada horumarinta bulshada, caafimaadka, waxbarashada & arrimaha bini’aadantinimada..”

Sida Xafiiska Qaramada Midoobay baahiyey Catriona Laing ayaa tidhi “Xaalka Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, labadayadaba farxad bay noo ahayd inaan aragno in arrimuhu halkaas ku xasileen (oo aanu dagaal socon), Madaxweynuhu wuxuu ii xaqiijiyey inay ujeeddadiisu tahay in wax walba la dejiyo..”

Catriona Laing waxa kale oo ay sheegtay “Waxaan Madaxweynaha u macneeyey in Qaramada Midoobay ay kaalinteeda ka qaadan doontaa

gaadhsiinta gargaarka bini’aadantinimo iyo miino saarista Laascaanood,, si ay uga faa’idaystaan dadka ku nool gobolkaas..” ayay tidhi Catriona Laing

Dhanka Xukuumadda Somaliland, ma jiro wax war ah oo laga soo saaray arrinta Laascanood ee Catriona Laing sheegtay inay ka wada-hadleen Madaxweyne Muuse Biixi.

Warka Qaramada Midoobay, ayaa ku soo beegmaya xilli uu Maalin ka hor Taliyaha guud ee Ciidamada Nuux Ismaaciil Taani uu sheegay in Ciidamada Qaranku ay sida ugu dhakhsaha badan u gaadhayaan xuduudka bari ee Somaliland.