Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Oo Lagu Qaaday Weerar Internet Ka Ah Oo Khatar Geliyey

0
808

Aqalka looga taliyo dalka Ruushka ee Kremlin ka loo yaqaanno ayaa sheegay in kombiyuutarka gaarka ah ee madaxweynaha dalkaasi uu khatar u yahay in la jabsado. Laakiin sawirrada uu aqalka Kremlin ku faafiyey ayaa fashiliyey in barnaamijka uu ku shaqaynayo kombiyuutarka madaxweyne uu ‘Windows’ gaboobay, sidaa awgeed uu khatar u yahay in la jabsado. Iyada oo la xasuusan yahay in sannadkii 2017 kii ay budhcad internet ka ah oo madaxfurasho raadhis ahi ay meelo kala duwan oo adduunka ah ka jabsadeen kombiyuutarro tiradoodu gaadhayso 20 kun oo ku shaqaynayey barnaamijka ‘Windows XP’.

Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa dalka Ingiriiska oo warkan qoray ayaa faafiyey sawirro muujinaya in kombiyuutarka madaxweyne Putin uu ku shaqeeyo ‘Windows XP’ oo ah barnaamij ay shirkadda ‘Microsoft’ ay soo saarista barnaamijyada amnigiisa joojisay sannadkii 2014 kii, taas oo sahlaysa in barnaamijyada tuugada iyo basaasidda ee casriga ahi ay jabsan karaan.

Inkasta oo ay dad badani aad ula yaabeen in madaxweyne Putin uu weli isticmaalayo barnaamijkaas, haddana wararka la helayo ayaa sheegaya in hay’adaha ammaanka Ruushku ay madaxweyne Putin u diideen in uu isticmaalko barnaamijka casriga ah ee ‘Windows 10’.

Dawladda Ruushka oo cabsi badan ka qabta in la jabsado kombiyuutarrada sirta qaranku ku jiraan ayaa shaqaalaha dawladda ka mamnuucyada in ay isticmaalaan teknoolajiyada dalalka shisheeyuhu ay soo saaraan, waxa aanay muddooyinkii u dambeeyey dadaal adag ugu jirtay in ay xoojiso waxsoosaarka dalkeeda ee dhinaca teknoolajiyada.

‘Windows XP’ ayaa la sheegay in uu yahay barnaamijka keliya ee isticmaalkiisu weli ku sii hadhsan yahay dalka Ruushka, marka la eego barnaamijyada ay soo saarto shirkadda ‘Micrsoft’ dhammaantood. Barnaamijka cusub ee ‘Windows 10’ ayaa isaga laga ogol yahay kombiyuutarrada aan loo isticmaalin arrimaha xasaasiga ah iyo siraha qaranka.

Dawladda Ruushka ayaa hadda ku hawlan in barnaamijyada shirkadaha ‘Microsoft’, ‘Apple’, iyo ‘Google’ ay dhammaantood ku beddesho barnaamij Ruushka gudihiisa lagu sameeyo oo lagu magacaabo ‘Astra Linux’ kaas oo laga bilaabo 2025 ka illaa 2030 ka noqon doona barnaamijka keliya ee lagu isticmaalo dhammaan qalabka xukuumadda iyo shirkadaha istaraatiijiga ah.

Putin iyo internet ka

Madaxweyne Putin ayaa la sheegay in kalsooni aad u yar ku qabo ammaanka internet, taas oo sabab u ah soo saarista sharcigii uu bishii Meey soo saaray ee dhigayey in dawladda Ruushku ay abuurto shabakad internet oo u gaar ah Ruushka, si looga hortago in la jabsado nidaamka dawladda. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyaduna mar sii horreysay ku warrantay in ruushku uu wado curinta diiwaan la mid ah ‘Wikipedia’ oo u gaar ah Ruushka.

Dhinaca kalana dawladda Ruushku waxa ay bishii hore soo saartay amar ay laga bilaabo bisha lixaad ee 2020 ka suuqyada dalkaas kaga mamnuucayso taleefannada casriga ah ee aan ku shaqaynayn barnaamijyada lagu sameeyey dalka Ruushka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here