Madaxweynaha Oo Tacsi U Diraaya Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Adeerkii Geeriyooday

0
951

 

tacsiDate: 28/05/2011

 

 

Tacsi

 

Madaxweynaha JSL. Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO) waxa uu tacsi u dirayaa Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu ka tacsi-yadaynaayo  Geerida Naxdinta leh ee ku timid  Adeerkii MARXUUM AADAN ISMAACIIL SHIRE oo ku geeriyooday 27/05/2011 Wadanka Jabuuti.

 

 Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi-dan mid la mida u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo  Asxaabtii  uu Ka Baxay MARXUUM AADAN ISMAACIIL SHIRE.

 

Madaxwaynuhu waxa uu Illaahay uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabdii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuunku uu samir iyo iiman ka siiyo.

 

 

 

IN-NAA ILLAAHI WA IN-NAA ILLAAHI RAAJUCUUN

 

Xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.