Dal Siyaasigiisu Kala Socdaan Ictiraaf Ma Wada Raadin Karaan? By Qaasim

8
1063

 

taajir99999Tan iyo markii xukumadihii kala danbeeyey ee soo maray Somaliland ay bilaabeen arrinta ictiraaf raadinta waxaa soo baxaayey dhaliilo kala duwan oo ka imaanayey siyaasiyiinta Somaliland, kuwaas oo badankoodu ku kala qaybsan arrinta ictiraafka, isla markaana aan isla fahansanayn sida ka muuqata jaah wareerka siyaasadeed ee dul hoganaayo laamaha kala duwan ee ay ka soo jeedaan.

Waxaad mooda in dalka iyo dadka qof kastaaba uu sidiisa qayb gaara u ilaashado, iyada oo hore looga soo gudbay nidaamka kala oodashada deegaanada Somaliland, taas oo lagu dhameeyey shirkii Boorame ee ay dhamaan beelaha dega dalku isugu yimaadeen, talo qarana ka yeesheen arrinta kala qaybsanaanta deegaanada.

Marka arrinta dawlada Somaliland uu siyaasi kastaa ka hadlaayo wuxuu ku faana qodob ah dimuquraadiyad iyo qaranimo, taas oo ay dadka intooda badani u qabaan nidaam xoriyad gaara siiya shaqsiga iyo bulshada kala duwan, isla markaana loo qaatay karaankaa hadal oo waxba hala hadhin.

Hadii aan ku soo dhawaado mawduuca hadalkayga oo ah dal siyaasiyiintisi  is wada khilaafsan yahay ictiraaf ma raadin karaan? Waxaa jira arrin wakhtigan aynu joogno kala qaybisay siyaasiyiin ka tirsan dalka somaliland taariikh iyo karaamana ku leh dadkooda iyo dalkooda, waxaad arkaysaa arrin dan iyo maslaxad u ah jiritaanka Somaliland oo qof kasta oo siyaasi ahi uu si gaara uga hadlaayo, qaar ayaad arkaysaa hadii shir sida ka Nairobi oo kale laga qayb galo ka soo qaadaya in umada lagu daraayo somaliweyn oo aynu hore u kala faataxaysanay sagaashamaadkii.

Akhristi is weydii sababta 1991 ay dadka dalkan u dhashay ku khasbeen dadkii hogaanka hayey in laga go’o Soomaaliye inteeda kale. Akhriste is waydii sababta ay dadku mar kale afti dastuuriya boqolkiiba sagaashan iyo sideed ugu codeeyeen in aan dib loogu noqon Soomaaliya inteeda kale. Dhamaan taariikhdaasi waxay kuu muujinaysaa in dadka aanay rabin dib u hungoobid danbe.

Waxaa jira siyaasiyiin sida aan u akhristay aanay wali u kala cadayn siyaasada u dejisan qaranka iyo difaacida ururka uu ka tirsan yahay iyo ka helitaanka jaah wareerinta shicibka xalaasha ah. Waxaad arkaysaa siyaasi ama siyaasiyiin loo xushay wafti ahaan oo adhax jab ku noqda inta badan waftiga uu la socda iyo qaranka uu xilka culus u qaaday, kaas oo ay ujeedadiisu ama ujeedooyinkoodu ay yihiin sidii ay taageero uga heli lahaayeen bulshada xisbi ahaan ama shaqsi ahaan. Daraad iyo maanta waxaa jiray siyaasiyiin aragti kala duwan ka bixiyey shirka Nairobi ee ay sheegtay xukumadu in si gaara loogu casuumay run iyo been waxay tahay illaahay ayaa inaga oge, kuwaas oo isugu jira odayaal iyo wasiiro oo aragti aan isku dhaweyn ka bixiyey ka qayb galka shirkaas, waxaabad mooda sida ay isugu jawaabayaan laba dawladood oo dersi ah kuna wada nool hal dal oo isku cadaw ah.

Waxaa is weydiin mudane akhriste ma tareen kaliya ayaa la saaran yahay mise laba tareen oo jihooyin kala duwan u socda? Qadiyada iyo ictiraaf raadintu miyaanay waajib qaran ku ahayn mucaaridka, xukumada iyo dadka raiydka ah? Hadii meel loo wada jeediyo niyada oo siyaasi kastaa si calool xumo la’aan ah ku raadiyo ictiraafka Somaliland halka uu maanta joogo heerkiisu waxaa hubaal noqon lahayd in uu sare uga sii kici lahaa.

Beesha caalamka hadii lagula hadlo luqado kala duwan oo mid gees u socda waxaa dhici doonta sida hadaba dhacda inuu caalamku si cad u fahmi waayo gooni isutaaga qaranimada Somaliland, isla markaana uu dhagaha ka furaysto jaah wareerka ka soo baxaaya masuuliyiinta qaranka iyo dadka indheer garadka ah.

Ugu danbayntii waxaa jiraa dareeno inta badan la isku dayo in la qariyo oo la xidhiidha sida aanay siyaasiyiinta dalka uga go’nay isku mawqif dhanka aqoonsiga, taas oo uu xisbi kastaaba ku darsado kaambaynka doorashooyinka ee la galo, hase ahaate noqota biyo sara tagay waa la sugayaa.

By:- Qaasim

Comments are closed.