Madaxweynaha Oo Shacabka U Diray Farriin Ku Saabsan 26 June, 1960

0
652

SIILAANYO

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa shacabka ku bogaadiyay munaasibadda sannad guurada 51aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland xorriyadeeda ka qaadatay gumaystihii Ingiriiska.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyada Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sidan u qornaa, “Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) Isaga oo ku hadlaaya Magaciisa iyo Ka Qaranka Somalilandba waxa uu Hambalyo iyo Boogaadin u dirayaa Dhamaanba Shacbiga Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaanba, Dalka Gudihiisa iyo Debadiisaba, Xuska, Munaasibada Sannad Guurada 51-aad ee ka soo Wareegtay 26-June-1960 oo ah Maalintiii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka qaadatay Mastucmaradii Boqortooyada Ingiriiska Uk.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud  waxa uu Shacbigiisa reer Somaliland u rajaynayaa inay Sannadkan sannadkiisa ku gaadhaan nabad,guul iyo Barwaaqo, waxaanu ugu baaqayaa in ay dhan uga soo wada jeedaan adkaynta nabad-gelyada iyo qaranimada Somaliland isaga oo ku ammaanaya sida ay markasta heeganka ugu yihiin  ilaalinta  iyo difaaca Qarannimada Somaliland.”