Madaxweynaha Oo Markab Dushii Tababar Ugu Xidhay Ciidanka Ilaalada Xeebaha

0
507

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay tababar ugu soo xidhay markab dagaal oo ciidammadda Ingiriisku leeyihiin oo la yidhaahdo CARDIGAN BAY xeebta Berbera  cutub ka tirsan ciidammadda ilaalada xeebaha oo tababar lagu siiyay naakhuudenimadda doonyaha dagaalka iyo guud ahaan ilaalada xeebaha oo ay bixinayeen saraakiil British ah oo saarnaa markabkaasi.

Tababarkan oo socday muddo laba toddobaad ah waa markii saddexaad  ee ciidammadda badaha ee Ingiriisku ay siiyaan ciidammadda xeebaha Somaliland, waxaana madaxweynaha kala qeyb galay xafladaasi Wasiirrada Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, maamulka gobolka Saaxil iyo ka degmadda Berbera, Taliyeyaasha ciidammadda qalabka sida.

Waxa dawladda Ingiriiskana ka socday saraakiil ka tirsan ciidammadda xeebaha iyo danjiraha u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya oo isagu shalay socdaal ku yimid Hargeysa.

Safiirka Ingiriiska oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in tababarkani ka mi d yahay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska.