Cududda Milateri Ee Daacish Iyo Cabsida Laga Qabo In Dagaalkii Sadexaad Ee Adduunku Uu Qarxo

0
510

Picture4Hargeysa (Geeska)- Maalmihii u dambeeyey warbaahinta dunidu waxa ay waqtigeeda ugu badan ku qaadanaysay tebinta iyo falanqaynta wararka iyo warbixinaha la xidhiidha dagaalka dhinaca cirka u badan ee u dhexeeya Isbahaysiga uu Maraykanku calanka u sido ee reer galbeedka iyo dalal carabta ah isu keenay iyo Ururka awoodda badan ee la baxay Dowladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam oo marka afka carabiga lagu qorayo loo soo gaabiyo DAACISH.

Arrimaha illaa hadda yaabka leh ee ay sida gaarka ah warbaahintu toosha ugu hayso waxaa ka mid ah awoodaha yaabka leh ee ay Daacish u leedahay sii wadista dagaalka oo iyada oo weerarro adag oo cirka ahi ay kaga socdaan Ciraaq iyo Suuriya isla markaana dhinaca tiknoolajiyadda cadaadis badani ka saaran yahay, haddana ay illaa hadda si habsami ah oo guulo badan ay ku gaadheen ay u sii wadaan dagaalka ballaadhan ee ay kaga jiraan Ciraaq iyo Suuriya. Waxaa yaab noqotay sida uu ururkani uga baydhay farsamadii lagu yaqaannay ururka Al-Qaacida oo uu mar ka tirsanaan jiray, ka hor intii aanay la bixin magaca Daacish xidhiidhkana u jarin Al-Qaacida laba sano ka hor. Alqaacida iyo ururrada la jaalka ah waxaa lagu yaqaannay in dagaalkoodu uu noqdo dhuumaalaysi ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, weerarro gaadmo ah iyo qaraxyo, laakiin Daacish oo tirada ciidankeeda lagu qiyaaso illaa 30 kun oo dagaalyahan ayaa iyadu dagaal fool-ka-fool ah la gashay ciidamada dalalka Suuriya iyo Ciraaq iyo weliba jabhado ay kala aragti yihiin, taas oo keentay in su’aalo badan la iska weydiiyo farsamadeeda dagaal oo aad u sarraysa, una suurtogeliyey in garaaca iyo weerarrada culus ee ku socdaa aanay ka hakin horusocodka iyo qabsashada deegaanno cusub. Xeel dheerayaal badan oo arrintan si dhow ula socdaana waxa ay saadaaliyeen in dagaalka socdaa uu u eeg yahay in uu gogol xaadh u noqon doono dagaal weyne caalamiya oo saddexaad laakiin markan ay bu’diisu tahay gobolka Bariga Dhexe. Ifafaalaha arrintaas inoo bidhaamin karana waxaa ka mid ah maqaal ay shabakadda Aljazeera ka soo xigatay wargeyska Washington Times oo uu qoraaga caanka ah ee Eric Rosenman ku sii xoojinayo dooddan isaga oo xujo uga dhiganayo hadalkii madaxweyne Barak Obama ee uu kaga digayey in khatarta ka dhalanaysa dagaalka u dhexeeya waxa uu ugu yeedhay dagaalyahannada ururka dowladda ee xag-jirka ahi uu muddo badan sii soconayo.

Qoraaga oo qaybo maqaalkiisan ka mid ah uu Geeska Afrika turjumay waxa kale oo uu fikirkan ah in dagaalku daba-dheeraanayo uu caddayn uga dhigtay hadallo uu raysalwasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron hore uga digayey in dagaalka lagu qaadayo ururka Daacish ay suurtogal tahay in uu sannado socdo, iyo in ururkani aanu metalayn diinta Islaamka. Sidoo kale waxa uu tilmaamay hadallo uu baadariga ugu weyn Vatican ka Francesco uu labada hoggaamiye ee Maraykanka iyo Ingiriiska uga digayey waxa ka socda bariga dhexe iyo in uu gogol xaadh u noqon karo dagaal weyne caalamiya oo saddexaad oo sababa dembiyo dagaal, xasuuq iyo burbur badan, waxa aanu hoggaamiyeyaashan ugu baaqay in la soo gebogabeeyo dagaallada ka taagan Ukraine, Ciraaq, Suuriya, Qaza iyo meelo Afrika ka mid ah.

Daacish halkee ay hubka ka heshaa:

Sida uu caddeeyey wargeyska New York Times, oo uu Geeska Afrika soo turjumay, ururka Daacish waxa uu dagaalkiisa Suuriya iyo Ciraaq u adeegsanayaa hub iyo saanad milateri oo casri ah oo lagu sameeyey Maraykanka, Shiinaha iyo dalal kale, waxa aanu wargeysku caddeeyey in dalalkani ay hubkan markii hore ku caawiyeen quwado ka jiray gobolka oo la doonayey in ay la dagaalamaan Ururka Daacish, balse inta ay ka adkaatay hubkiina kala wareegtay. New York Times waxa uu intaas ku daray in Maraykanka iyo Shiinuhu ay sidoo kale hub siiyeen dalalka Ciraaq iyo Suuriya si loogu adeegsado waxa ay u arkayeen xasilinta labadaa dal, laakiin mar kale hubkaasi uu ku dhacay gacanta Daacish.

Dhinaca kalana wargeyska Wall Street Journal ayaa qoray in Maraykanka iyo xulafadiisa caalamiga ahi ay wadaan dagaal cirka ah oo ay la beegsanayaan goobo Daacish ay ku leedahay Suuriya iyo Ciraaq, kadib markii uu ururkaasi gawracay laba war-fidiyeen oo u dhashay dalka Maraykanka. Wall Street Journal waxa uu intaas ku daray in ururka Daacish qaybtiisa ku sugan gudaha Suuriya ay hadda gacanta ku hayso Lubnaaniyiin tiro badan oo isugu jira rayid iyo milateri, sidaa awgeed uu dalka Lubnaan ka cabsi qabo in uu ku biro dagaalkan isbahaysiga isaga oo dareensan in haddii ay taasi dhacdo ay Daacish aargoosi ka dhigan doonto in ay gawracdo maxaabiistaas.

Ururkan oo muddooyinkan dambe sii xoogeysanayey ayaa la aaminsan yahay in sababaha ugu badan ee awooddii bilowgii sida mucjisada ah uu ugu jabiyey ciidamada Ciraaq ku helay ay ahayd cadho ay qabeen dadka sunniga ah ee dalkaas oo si weyn u taageeray Daacish, kadib markii ciidamo shiico ah oo uu lahaa raysalwasaarihii hore ee Ciraaq Nuuri AL-Maaliki ay caado ka dhigteen in ay si joogto ah xadhig iyo xasuuq isugu daraan Ciraaqiyiinta Sunniga ah ee ku dhaqan deegaannada kala duwan ee dalkaas, iyaga oo ku beegsanaya keliya sababo la xidhiidha caqiidadooda, arrintaasi waxa ay ururka Daacish u sahashay in dhalinyaro sunni ah oo cadhaysani ay hal-daba la’ ugu biiraan ururka iyo in ururku uu taageero ka helo hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee Sunniga iyo maleeshiyooyin hubaysnaa, taasina ayaa u sahashay in ay dharaar cad xoog ku qabsadaan xeryihii ciidamada Ciraaq oo bilaabay in ay kala yaacaan marka ay isha ku dhuftaan maleeshiyada Daacish iyo xarumihii kaydka hubka iyo saanadaha milateriga, waana markaas marka ay hubka xad dhaafka ah furteen. Illaa heer ay gaadheen in dadka lafa-gura arrimahan, qaarkood ay ku doodeen suurtogalnimada in Daacish ay qabsaday gantaalo Kiimiko ah.

Si kastaba ha ahaato ee dagaalka lagula jiro ururka Daacish ee awoodda badan ku leh Ciraaq iyo Suuriya iyo xulafada Maraykanka oo ay ka mid yihiin dalalka Carabta ee cabsidu ka hayso Islaamiyiinta, sida Sucuudiga, Masar iyo Imaaraadka iyo sidoo kale dalka Turkiga oo isagu si gaar ah u danaynaya in uu farogeliyo dalka Suuriya si xukunka looga tuuro Bashaar Al-Asad, ayaa u muuqda in uu muddo qaadan doono, suurtogalna ay tahay in uu dhibaato badan geysto maadaama oo dowladaha xulafada ku ah la dagaalanka Daacish ay leeyihin dano aad u kala fog oo mid kasta u gaar ah.