Ergayga Midowga Yurub Oo Sheegay Inay Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Dhawaan Dib U Bilaabmayaan

0
478

Picture6Hargeysa(Geeska):-Danjiraha Midawga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Ambassaddor Michele Cervone d'Urso ayaa sheegay in todobaadada soo socda ay dib u bilaabmi doonaan wada hadaladii u dhaxeeyey dawladaha Somaliland iyo Somaliya ee uu marti galinaayey dalka Turkigu oo sanadkan gudihiisa dhawr jeer ay dib u dhacyo ku yimaadeen.

Mr: Michele Cervone d'Urso ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shalay warbaahinta kula hadlaayey Xarunta Dhaqanka Magaalada Hargeysa oo uu booqosho ku tagay,waxaana uu sheegay in ka Urur ahaan ay si xooga ay u taageersan yihiin wadahadalada u socda Somaliland iyo Somaliya,waxaana uu sida oo kale uu tibaaxay in ay si aada u dhiiri galinayaan in ay wadahadaladaasi ay sii socdaan. "Waanu taageersanahay wada hadalka u socda dhinacyada Dawlada Somaliland iyo Dawlada Faderaalka ah ee Somaliya,waxaanu rajaynaynaa in horena loo sii wado martigalinta Turkiga uu wado ee u dhaxeeya dhinacyada,waxaanan si aada u rajaynayaa in ay dib u bilaanto todobaadada soo socda,mawduucyada laga wada doodayaana maalmaha soo socda ayaa laga sii wada hadli doonaa"Ayuu yidhi Mr: Michele Cervone d'Urso

Ambassaddor Michele Cervone d'Urso oo ayaa ay sida oo kale ay warbaahintu wax ka waydiisay aragtida Midawga Yurub ee colaada u dhaxaysa maleeshiyada Kooxda Khaatumo iyo Somaliland,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka arragti ahaan ay ku baaqayaan in arrimhaasi lagu dhameeyo si nabad ah. "Hada anagu waxaanu rumaysanahay dhinacyada khilaafaadku u dhaxeeyaan waa in ay si nabad ay ku dhamaystaan,waana fariinta ay marwalba midawga Yurub ay u dirayaan oo ay ku jirto in wadahadal laga galo arrimaha jira,hadaad dib u eegto xiliyadii 90-shamaadkii xaalada jirtay Somaliland waxaa ay bilawday tusaale fiican oo ahaa wadahadal nabadeed oo u dhaxeeyey dadyaw kala duwan,kuwaasi oo ku soo dhameeyey nabad iyo in ay noqdaan mid qudha meelaha ay joogaan,markaa waa in wadadaas la raaco oo arrimahaas jirna nabad nalagu dhameeyo"Ayuu yidhi Mr: Michele Cervone d'Urso