Madaxweynaha Oo Maanta Berbera U Tagaya Kulan Ka Dhacaya Markab Dushii

0
418

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta magaalada Berbera u tagaya si uu ula soo kulmo saraakiil milatari iyo safiiro Ingiriis ah, waxaanu kulanku ka dhacayaa markab dagaal oo uu Ingiriisku leeyahay oo duleedka dekedda Berbera jooga.

Madaxweynaha waxa madaarka Hargeysa ka qaadi doonta diyaarad gaar ah oo toos u gayn doonta markabka dushiisa. Ma jiro war faahfaahsan oo ka soo baxaya kulankaas, waxase isna kulanka ka qayb galaya danjire Neil Wigan oo Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya, waana markii labaad ee ay Madaxweyne Siilaanyo iyo Ingiriisku ku kulmaan markabkan dushiisa, waxaanay sannadkii hore yeesheen kulankan oo kale.

Markabkan oo ka mid ah maraakiibta joogta badda cas, ayaa waxa la filayaa in dushiisa ay labada dawladood ku faaqidaan arrimo la xidhiidha amniga gobalka. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa shalay xaqiijiyay in kulankaasi maanta dhacayo, ka dib markii uu Madaxweynuhu qaabilay danjire Neil Wigan oo Hargeysa ku sugan.