Nuxurka Kulan Shalay Dhex Maray Madaxweyne Axmed Siilaanyo Iyo Danjire Neil Wigan

0
468

Picture5Hargeysa(Geeska):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaadhan oo uu hogaaminaayo Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Somaliya ee uu fadhigiisu yahay dalka Kenya Mr: Neil wigan.

Kulankan ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen oo ay Warbaahintu dibad joog ka ahayd ayaa waxaa madaxweyne Siilaanyo ku wahelinaayey Xubno ka mid ah golihiisa Wasiirada,waxaana ka dib markii uu soo idlaaday waxaa waxyaabihii ay ka wada hadleen si wada jira uga warbixiyey Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Md:Maxamed Biixi Yoonis iyo Safiirka Ingiriiska u fadhiya dalka u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr:Neil wigan.

Md:Maxamed Biixi Yoonis oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Safiirka ay ka wada hadleen arrimo badan oo khuseeya Labada dal oo ay ka mid yihiin Nabad galyada,ka qayb galka shir ka dhici doona dalka Ingiriiska oo ay dawlada Ingiriisku soo qaban qaabisay,Arrimaha doorashooyinka,iyo horumarka ka socda dalka gudihiisa.waxaa kale oo uu wasiirku carabka ku dhuftay in maanta ay tagi doonaan wafti uu hogaaminaayo Madaxweyne Siilaanyo Markab taagan dakada Magaalada Barbera oo uu safiirku ku casuumay in ay ku kulmaan.

"Waxaa maanta halkan nagu soo booqday Safiirkii Ingiriiska oo shir fiican nala yeeshay Illaa Saaka(Shalay) oo ka hadlay arrimo badan oo khuseeya Labada Wadan,kana mid yihiin Nabad iyo Nabad-gelyada meesha taala,waxaanu aad uga wada hadalnay shirka aad la socotaan ee soo socda ee ka dhici doona Ingiriiska bisha 14-keeda,oo ay dawlada Ingiriisku ay qaban qaabisay in loo sameeyo Somaliland(Peace in conference),dad fara badana lagu soo casuumay,Waxaa kale oo aad la socotaan oo bari toole(Maanta) Madaxweynaha iyo waftigiisaba lagu soo casuumay oo markab sidii kii sanadii hore oo kale ah aanu booqano,wax yaalaha kale ee aanu ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa Doorashooyinkii,Horumarka halkan ka socda,halka uu wadanku uu maraayo.markaa arrimahas ayanau ka wada hadalnay"Ayuu yidhi Md:Maxamed Biixi Yoonis

Dhanka kale Safiirka dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya ayaa isna dhankiisa waxaa uu sheegay in ay aad ugu farax san yihiin in ay madaxweyne Siilaanyo ay kulan kula qaataan Xafiiskiisa,waxaana uu carabka ku dhuftay in ay ka dawlad ay aad u danaynayaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarka ka socda Somaliland.

“Aad Baan ugu Farax Sanahay inaan Madaxwayne Siilaanyo Xafiiskiisa kulan kula yeesho,Isla markaasna kusoo casuumo Markab taagan xeebta Berber, waxaana ka wada hadlay xaga dimuqraadiyadda, doorashooyinka soo socda iyo sidiii ay dawladda ingiriisku uga qaybqaadan lahayd horumarka Somaliland ka socda”ayuu yidhi safiir Neil wigan.

Mr:Neil wigan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale uu sheegay in ay si aada u dhiiri galinayaan in natiijo laga gaadho wada hadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Somaliya. “Waanu taageersanahay wada hadaladda u socda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana dhowaan kala hadlay dawladda Soomaaliya inay wada hadalkaasi sii socdo waxayna ii sheegeen inay sii wadayaan oo dhowaan bilaabmayo, waxaana ku rajo weynahay in bishan dib u bilaabmo wada hadalkaasi,dalkayguna wuxuu dhiirigalinayaa inay wad hadalkaasi natiijo lag gaadho sida ugu dhakhsiyaha badan” Ayuu yidhi Mr:Neil wigan.