Burco: Dhallinyarada Qabanqaabinaysa Shirweynaha Dhallinyarada Somaliland Oo La Kulmay Dhallinyarada Togdheer

0
465

Picture3Burco(Geeska):-Qaar ka mid ah dhalinyarada Somaliland ee ka soo kala jeeda gobalada Maroodi-jeex,Gabilay,Boorama iyo Salal oo muddooyinkii danbe qaban qaabinaayey shirwayne ay isagu imanayaan dhalinyarada reer Somaliland ee ku kala dhaqan gobalada dalka ayaa kulan la qaatay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Burco ee gobalka togdheer.

Dhalinyaradan ayaa kulamo gooni gooni ah oo ay la qaateen dhalinyarta ku dhaqan gobalka togdheer ee magaalada Burco,waxaa ay si faah faahsan ay ugu sharaxeen u jeedada shir wayne balaadhan oo ay wadaan qaban qaabadiisa kaasi oo ay isagu imanayaan dhalinyarta reer Somaliland.waxaana markii ay gaba gabeeyeen kulamadaasi ay warbaahinta uga xogwarameen u jeedada kulamada ay dhalin yarta la qaateen.

Mid ka mid ah dhalinyarta reer Hargeysa oo isagu halkaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in ay u jeedada ay u wadaan qabaan qaabada shirweynaha ay isagu imanayaan dhalinyartu ay tahay mid ay ku midoobayaan dhalinyartaasi,sidii baa uu yidhi ay uga tashan lahayd waxyaabo badan oo aayahooda ah. Waxaana uu carabka ku dhuftay in ay si fiican ay isula qaateen in sidii shirkaasi uu noqon lahaa mid ku dhaca wakhtigii loogu tala galay.ugana qaybqaadan lahaayeen suurta galintiisa.

"Waxaanu Illaa maanta aanu wadnay u jeedadii aanu u soconay ee ahayd dhalinyarada Somaliland in ay ka midawdo waxyaabo fara badan oo cawaaqib xumo ah badan oo imika jirta darteed baanu halkan u nimi,hawshii aan uu nimina si fiican ayaa ay noogu hir gashay,si wanaagsana waanu uga wada sheekaysanay dhalinyarta iyo wax garadka meel wanaagsana waa ay maraysaa  ujeedada aanu u nimina,waxaa ay ahayd shir dhalinyarada loo qabanaayo oo ay dhaliyarada reer Hargeysi ku dhawaaqeen,anaguna waanu soo dhawaynay hadaanu nahay dhalinyarada reer Hargeysa qayb ka mid ah,si fiican ayaanu u soo dhawaynay,waana wada soconaa hada gobalka togdheerna sidaas si la mi ah ayaa na looga soo dhaweeyey.qolooyinka kalena sidaas si lamid ah ayaa aanu filaynaa in ay noo soo dhaweeyaan"Ayuu yidhi Md:

Maxamed Abiib Nuur oo isaguna ka mid ah dhalinyarta ka soo jeeda gobalka Boorama oo socdaalkan ku wahelinaayey dhalinyarta ayaa dhankiisa,waxaa uu isna uu sheegay in ay ka dhalinyaro ahaa ay si balaadhan u taageersan yihiin fikirka ay soo jeediyeen dhalinyarta ku dhaqan magaalada Hargeysa.

"Runtii anigu Boorama ayaan fikirkaas uga imi waxaanan jecelahay in aan xambaaro,oo aan boorama aan geeyo,salal geyno,oo gabilay iyo gobalada kalena aanu gayno.oo sidaas ay maanta dhalinyarada Burco ay mid ay u tahay ayaa ay dhalinyarada reer Somaliland ay mid u tahay"Ayuu yidhi Maxamed  Abiib Nuur

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay Md:Mukhtaar oo ka mid ahaa dhalinyarta gobalka togdheer,waxaana uu sheegay in ay ka dhalinyaro ahaan ay si balaadhan u soo dhawaynayaan fikirka ay u keenen dhalinyarta reer Hargeysa,waxaana uu tibaaxay in ay iyaguna ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii uu shirkaasi u noqon lahaa mid qabsooma.

"Waxaa halkan noogu yimi dhalin yaro fara badan oo ka kala socda gobalada galbeedka Somaliland,Rayi wanaagsana waa ay noo soo dhigeen oo ah in ay doonayaan in dhalinyarada Somaliland ay mideeyaan,oo ay midawdo iyada oo aan cidna duulimaad lagu ahayn aniga oo afka dhalinyarada Gobalka togdheer ku hadlaayana waanu la qaadanay"