Madaxweynaha Oo La Sheegay Inuu Arinta Ururada U Gudbinayo Wakiilada

0
546

 

laanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inuu qorshaynayo inuu golaha wakiilada u gudbiyo tallo ururinta ay soo jeediyeen guddiga ka tallo bixinta ururada siyaasiga ahi.

Guddiga ka tallo bixinta ururada siyaasiga ah oo muddo saddex bilood ku dhow xog ururin ka dhex waday bulshada Somaliland ayaa toddobaadkan Madaxweynaha u gudbiyay natiijadii ay la soo guryo noqdeen oo noqotay in rabitaanka bulshadu yahay in la furo ururada siyaasiga ah.

Waxaanay wararka qaar tilmaamayaan inay Madaxweynaha horyaalaan inuu kala doorto laba qodob oo kala ah inuu u gudbiyo maxkamadda distooriga ah si ay go’aan uga gaadho, inkastoo ay xilligii xukuumadii hore ay ka soo saartay go’aan, iyo inuu golaha wakiilada u gudbiyo si ay cod ugu qaadaan. Waxaanay sida ay wararkani sheegayaan u badantahay inuu u gudbin doono golaha wakiilada oo iyaguna dood ka dib cod u qaadi doona in ururada siyaasadda la furo iyo in saddexdan xisbi lagu daayo..

 

Mawduucan furashada ururada siyaasadda oo ka mid ahayd waxyaabihii uu xisbigii KULMIYE ku galay ololihii doorashada ayaa ah mid xaasaasi ah oo ay bulshadu ku kala aragti duwantahay, waxaanay u muuqataa inay tahay arrin culus oo ku soo korodhay culaysyadii kala duwanaa ee uu Madaxweyne Siilaanyo hore ula baaxaa degayay.