Wasiir Geeljire Oo Ka Hadlay Arrimihii Ay UDUB Isku Seegeen, Xilka Wasaaradiisa Iyo Arrimo Kale:- Waraysi Gaara

0
455

 

noolayntaHargeysa(Geeska)-Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka badda Md. Cabdillaahi  Cismaan Jaamac  (Geeljire), ayaa ka waramay qorshayaashiisa ku aaddan wasaaradiisa iyo waxyaabo kale.

Wasiir Geeljire, wuxuu ka hadlay waxyaabo dhawr ah oo ay ka mid tahay sida uu u arko la macaamilka xukuumadiisa ee saxaafadda, waxyaabihi ay ku kala tageen xisbiga UDUB oo uu horaantii ka tirsanaan jiray, inay jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirada oo weli uga cowday qormo uu xilka wasiirnimo ka hor qori jiray, taas oo uu ku soo hadal qaadi jiray dad badan oo ay ku jiraan xubno ay hadda golaha ku wada jiraan  iyo arrimo kale. Waxaanu kaga hadlay waraysi khaas ah oo uu Wargeyska Geeska Afrika la yeeshay, kaas oo sidan u dhacay:

Md Wasiir waxaad marka hore war bixin buuxda naga siisaa xaalada guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo qorshayaashiina dhaw ee wasaaradda idiinka meel yaala?

 

Wasaaradani waxa weeye wasaarad imika aan dhisnay oo awoodeeda maalmul iyo shaqaaluhu  ay aad u yar yihiin. Waa wasaarad shaqada laga filaayo ee ay masuulka  ka tahay iyo awoodeedu ay cirka iyo dhulka isu jiraan, Wasaaradani waxa ay ahayd in hore loo dhiso, waayo waxa ay ka masuul tahay khayraadka badda oo ka badan ka bariga. Markaa horta dayac hore ayaa ku dhacay, laakiin sanadaha soo socda waxa aan rajaynaynaa inay taasi wax iska badalaan. Wasaaradan khayraadka ay ka masuulka tahay iyo horumarintiisa ayaa ah xilka ugu wayni ee ay qaranka u hayso, taasina qorshe hawleed loo sameeyo iyo maalgalin badan ayey u baahntahay, runtiina talaabo kasta oo la qaadaa waxa ay u baahantahay dhaqaale, manay jirin hay’aydo caawiya oo ku xidhan, marka laga reebo waxyaabo faro guud kooda ah.

 

Intii imika aan xilka hayay waxa aanu talaabooyin qaadnay in aanu waxaanu u baahanahay iyo waxa ay wasaaradu doonayso inay qabato in aanu shaacino, taasi oo ah sidii loo iib gayn lahaa marshuuca ka faa’idaysiga khayraadka badda ee inoogu jira oo loogu doonan lahaa maalgalin, in qaylo dhaan loogu diro hay’adaha wax ka qaban kara, in la tababaro oo horana loo mariyo kalluumaysatadeena.

 

Markaan intaa meel isla dhignay waxaan u yeedhanay hay’adihii wax nagala qaban lahaa sida FOA oo kale, waxaa kale oo aanu u yeedhnay oo isna hawl lixaad leh nala qabanaya Baanka Aduunka,  kaas oo aanu ka codsanay waxay inoo qabanayaan inay ugu horaysiiyaan inay baddeena baadhitaan ku soo sameeyaan waxa khayraad ku jira, si aan u ogaano halka uu kalluunku joogo, halka uu ku yar yahay, si aanu si cilmiyaysan wax uga ogaano waxa baddan madaw ee aan farta ku fiiqayno ku jira. Lama garan karo imika meelaha uu kalluunku joogo, waayo waxa qiimayn bada lagu sameeyo ugu danbeeyay 1982 –kii oo ay samaysay dawladii Soomaaliya laysku odhan jiray, qiimayntas waxa laga joogaa mdudo sodan sano ku dhaw, wax badan baana intaasi is badalay, isla markaana wasaaradana ay awoodeeda nala dhisaan oo qaybaha aan soo kordhinay ay nala dhisaan oo ay nala maal galiyaan, taas oo ah ururinta macluumaadka wasaarada oo aan imika jirin, lama oga kalluunka la soo qabtaa nooca uu yahay, tiradiisa, halka laga soo qabtay, miisaankiisa, ka la’arko iyo ka madhay inay qaybtan aan samaynay ay nala maal galiyaan iyaga (Baanka Aduunka) iyo hay’ada FAO, waanay nala qaateen, waxanay noogu maqan yihiin oo ay dhaqaale noogu raadinayaan sidii ay xafiis wasaarada ugu dhisi lahaayeen, hadda kiro ayaanu ku jirnaa oo dhismihii wasaaradu waxa uu ahaa mid duugoobay oo dil dilaacsan, xataa xafiiskan fadhisanayay hoostiisa waxa ka soo baxay xidido. waxaan wadnaa imika inaan buug yar ururino oo ah wixii ku jira badeena iyo barnaamijo aanu isleenahay suuq geynta kalluunka iyo dadka sidii loogu wacyigalin lahaa.

 

Waxa jiray cabashooyin xoogan oo ay kamlluumaysatada gobalka Sanaag ka muujinayeen doonyo iyo maraakiib ay sheegeen in  ruqsad loo siiyay kalluumaysiga cabashadaas maxaa ka jira?

 

Ma jirto cabsho toos ah oo anaga nooga timid kalluumaysatada Sanaag, lakiin waxaan kuu sheegayaa in aanan wax maraakiib iyo doonyo ah aanan siinin liisan, waxaanan wasaarada imid iyaada oo uu madaxwaynuu joojiyay. Balse waxa jira sagaal markab oo liisan

hore loo siiyay, kuwaasna intii aan joogay sadex ayaa kalluumaysanaayey,  laakiin waxa jira doonyo yar yar ooo aan liisan la siin oo ciidaas ka badan oo Yaman laga leeyahay oo ka kalluumaysta xeebaheena, ciidan keenuna awood ay ku soo qabqabtaan uma lahan oo dhaqaalaha shidaalka ku baxaya ma haystaan, xataa maal mahan waxa lagu sheegayay badeena budhcad badeed doono yar qoryo la saaran, ciidan keenuna awood ay ku soo qabtaan uma hayaan, waxaanay noqonaysaa in ciidanka sidiisa loo dhiso.

 

Marka aad eegto xukumaadan imika talada haysa iyo xukumaadii hore midkee xoriyada saxaafada ku wanaagsan ayaad filaysaa, adiga oo waliba eegaya wakhtigaad mucaaradka ahayd maqaaladii kul-kululaa ee aad xukumadi hore ka qori jirtay iyo xukumadan imika ee iyadoo sanad aan gaadhin tiraba dhawr jaraa’id dacwada ku soo oogtay?

 

Waxaan u haysanaa xoriyada saxaafada inaanu anagu ku wanaagsan nahay, oo saxaafada barigii hore waa la garaaci jiray, la xidhi jiray, tacadiyo fara badan waa loo gaysan jiray. Tan ashkatada dadka ee masuulku ashkatoonayo waxay sheegaysaa cadaaladeena iyo nidaamkeena, waxa weeyaan hadaan dareemo inaad meel igaga dhacday, oo marka aan kuu sheegana aad sixi waydo, marka horana aan dareensanahay inaanu run ku fadhiyin. Haddii qof dareemo inay cadaalad darro lagu sameeyay waa muwaadin markaa ashkatooday ee maaha xukumaadiibaa  saxaafadii qab qabatay, markaa haddii maxkamad laysla tagay oo ay wax u xukuntay ama ha xumaato ama ha samaatee waa waxaynu haysanay, intaan waraaqo qaadanayno oo aan garsoorka isla tagayno waxaan u qabaa inay horumartahay, madama aynaan gacmaha iskula tagayn ama isu awood sheeganayn.

 

Markaad is barbar dhigto wasaaradii warfaafinta ee hore aad u joogtay xirfadeedana aad lahayd, oo ay dad badani kugu amaanayeen iyo wasaaradan kaluumaysiga  keebaad door bid lahayd shaqsiyan?

 

Horta marka xil wasiir laysu dhiibayo waxa la caawinayaa oo gacan yare loo yahay waa madaxwaynaha oo xilkii loo doortay laga caawinayo, markaas isaga ayaa go’aan ka gaadhaya qofku waxa uu qabanayo iyo goobta uu ka qabanayo, waa laga yaabaa inay dadka uga muuqato kolka la yidhaahdo kaasi halkaa kuma uu wanaagsayn iyo halkaasu ku wanaagsan yahay. Markaa anigu shaqsiyan marwalba waxa aan ku faraxsanahay xilkii uu madaxwaynuhu ii dhiibo isaga iyo qarankaba inaan u qabto, oo mid walba waxa looga baahan yahay aan si cad uga shaqeeyo oo muuqata oo  kuwa aan la shaqaynayo iyo bulsha wayntaba aan horumar ka gaadhsiiyo, waanay jiraan waxyaabo runtii iga hor imanayaa oo waxaaba ka mida in aan imika kala baranaayo noocyada kalluunka, lakiin wasaarad walba waxa ay leedahay dadkii waxyaabahaasi oo kale kala yaqaanay ee lagu hogaamin lahaa inay hawsha qabtaan.

 

Hadaynu dib u noqono wakhtigii hore waxa aad ahayd xisbigii talaa dalka hayay ee UDUB markii danbe waxaad ku biirtay KULMIYE maxaad Riyaale isku seegteen ayaad filaysaa?

 

Horta arin kaliya oo aan odhan karo kaasi ayuu ahaa ma jirto, waxaanan odhan karaa waxyaabo badan oo aan ku kala duwanayn ayaa jiray ilaa iyo markii aan ka soo baxnay doorashadii madaxtinimada, anigu markii aan 2002 halkan imi ee aan doorashadii isaga la shaqeeyay waanigii ka qayb qaatay olalihii dadka ugu dhaw dhawna waan ahaa, waxna waan iskaga ogayn sida dalka loo maamulaayo iyo sida looga shaqaynayo rutii  isaguna raali buu ka ahaa, anaguna talo ayaan ugu soo jeedinay, hase yeeshee inyar kadib isbadal ayaa ku dhacay oo halkii la filaayay in isbadal horumarineed la sameeyo, anagu waxanu u arkaynay in lagu noqday nidaamkii hore ee ahaa dadka kala qaybintiisa oo ah kursi ilaashi oo kaliya iyo kala dhawaysashada qabaa’ilka oo runtii ah wax sii xoojinaaya dhibtii jirtay, waxaanay ahayd in waxaas hore looga maro, oo waxaanu qorshaysanay in dawlada layareeyo oo musuq-maasuqana la baabiiy, markaa  waxyaabihii aan isku ogayn markiiba uu ka baydhay oo waxa uu u baydhay taas ka soo hor jeedkeeda. Tii u danbaysay ee aan ku kala go’nay wax ay hayd doorashadii golaha wakiilada musharixiintii xisbiga u tartami lahayd  oo uu qabyaalad ku qaybiyay.

 

Wakhtigii aad maqaalada qori jirtay dad badan oo siyaasiyiin ah oo ay ka mid yihiin wasiiro aad hada wada shaqaysaan ayaad ku duqaysay. Ma’jiraan hadda cid maqaaladaasi kaaga soo cabatay oo wasiirada aad waa shaqaysaan ka mida?

 

Sidaad ka war qabtaan maqaaladaydu waxa ay isugu jireen siyaasad iyo maad, haddana waaqica ka turjumaaya, waa laga yaabaa in marmarka qaar kood qof qof inaan ku yara fogaaday oo hadal aan munaasab ahayn aan ka qoray, lakiin dadkaasuna waxa ay u badnaayeen kuwa ka hadla arimaha qabyaalada, dadkana soo xasuusiya wakhtiyadii dagaalada sokeeye, markaas kuwaas hadalo qaawan waan ku odhan jiray. Siyaasada caadigaana wax lafajabaya qofka kumaan odhan jirin ee si nadiif ah ayaan u qori jiray oo fan ah, wasiiradaasna waxba igagamay soo noqon.

 

Ugu danbayn aan kula kaftamee bulsho-waynta Somaliland way isu qaban la’dahay Geeljire iyo kalluumaysi arintaasi maxaad ka odhan lahayd?

 

Layaab malaha, waxa ugu horeeyay faaladaasi oo soo qaaday wasiirka maaliyada, maalintii lay magacaabay waxaanu yidhi awal Geeljiraad ahayde imika kalluun jire ayaad tahay, waana runtood bulshada oo  waa wax aan is qabanayn lakiin waa waaqic jira, markaa imika kalluun jiraba hayska ahaato.