Madaxweynaha Oo Ka Qayb Galay Shir Qaran Oo Shaqo Abuurka Lagaga Tashanayo

0
568

Picture5Hargeysa(Geeska)-Shir heer qaran ah oo lagaga wada hadlaayo shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta Somaliland,ayuu si rasmi ah u furay madaxweye Axmed Maxamed Siilaanyo.

 

Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen wasaaradaha qorshaynta qaranka iyo shaqada ayaa ay ka soo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan haayadaha samafalka iyo dad aqoon leh, waxaana labada maalmood ee soo socoda lagu gorfayn doona sidii siyaasad jihaysan loogu samayn lahaa shaqo abuurka,isla markaasna loola dagaalami lahaa camal la aanta iyo tahriibka. Waxaana shirkan barbar socday carwo loogu tilmaamay carwada shaqada balse u muuqatay in haayadaha iyo shirkaduhu ay ku soo bandhigayeen wax qabadkooda. Sida oo kale waxa madaxweye Axmed Siilaanyo uu xadhiga ka jaray xarun loogu talo galay in dadka shaqodoonka ah ay ku xareeyaan macluumaadkooda (CV-yadooda).     

Ugu horayntii waxa shirkan ka hadlay gudoomiyaha dalada dhalinyarada ee SONYO Mubaarik Ismaaciil Taani, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “ Waxa farxad,sharaf iyo karaamo weyn noo ah hadaanu nahay dalada dhalinyarada ee SONYO qab-soomida shirkan qaran ee lagaga arin sanaayo sidii shaqo loogu abuuri lahaa dadkeena gaar ahaan dhalinyaradeena taas oo daawo iyo dabiib toos ah u noqon karta shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta dalkeen oo noqotay masiibo baahsan oo dalkeenu uu socodka u gaabiyo. Shir weynahan qaran ee shaqadu waa kii ugu horeeyay ee noociisa ah waana kii ugu muhiimsanaa ee lah ujeedo tolmoon ee lagu falanqeeyo dhibaatooyinka dhaqan dhaqaale shaqo la’aanta iyo sidii loo habayn lahaa shaqo abuur dhab ah.” 

Wasiirka qorshaynta qaranka Dr.Sacad Cali Shire oo shirkaas u jeedadiisa iyo inta uu soconaayo ka hadlaayay waxa uu isaguna dhankiisa yidhi “Shaqada ay maanta dawladu abuuri kato,shaqda ay ganacsatadeenu abuuri karto waxa aad uga badan inta shaqo doonka ah ee maalin walba ku soo biiraysa safafka shaqo raadiska.shirkan u jeedadiisu waxa weeye bal sidii labadaas laysku waafajin lahaa shaqadii iyo shaqa doonkii sidii looga wada hadli lahaa ee looga arinsan lahaa carqaladaha jira iyo waxa ina hortaagan ee xaaladaas aynu ku jirno keenay,sharkani waxa uu socon doonaa laba casho,waxaana garab socon doon goobtii shaqada iyo carwo shaqo oo ka socota isla hotelkan Maansoor.” 

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo shirkan tashiga qaran ee shaqo abuurka isagu si rasmi ah u furay,hadalo kooban  oo uu halkaas ka jeediyay waxa ka mid ahaa. “ Farxad weyn ayay ii tahay inaan shirkan ka soo qayb galo ahmiyada weyn leh ee lagu falan-qaynaayo shaqada dhalinyarada loo raadinaayo iyo sida dhalinyaradeena koraysa wax loogu qaban lahaa, waxaanay muhiim ay u tahay dalka iyo mustaqbalkiisa. Waa muhiim inaan maanta kala dagaalano dalkeena dhaliyarada tahriibaysa ee badaha isku tuuraysa ee meel aan loo baahnayan qabanaysa iyada oo dalkooda iyo dadkoodu ay u baahan yahiin,waxa inagana waajib inagu ah dawlad ahaan iyo qaran ahaan in aynu samayno fursadahii shaqo loogu abuuri lahaa dhalinyaradaas si ay dalkooda wax ugu taraan oo iyagana shaqo wax anfacda ay u heli lahayeen iyo sidii taas looga wada shaqayn lahaa.waxaanu  balan qaadaynaa waxii na looga baahdo ee dhinacayaga ku soo beegma inaanu si buuxda u fulino.shirkana waxaan u rajaynayaa inuu ka soo baxo wax dalkeene anfaca. ”