Xasan Sheekh Oo Weli Ugu Baaqaya Somaliland Inay Ku Noqdaan Midnimadii Fashilantay

0
438

Picture4Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud,ayaa Somaliland u soo jeediyay inay dib ula midoobaan Somaliya, isla markaasna waxa uu sheegay in uu qiraayo guulaha ay gaadhay Somaliland isaga oo ku ladhaaya maamul gobaleedka Puntland ee dalkiisa.

 

Sida oo kale waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in quruxda u weyn ee ay rajaynayso Somaliya ay tahay in la midoobo,lagana wada xaajoodo sida loo midoobaayo. Waxa uu sidan ka sheegay madaxweynaha Somaliya xuska maalintii ay qaatay madaxbanaanideeda Somaliya.

Waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi  “Dalka qaybo badan oo ka mid ah xalaado kala duwan ayuu ku sugan yihiin, Somaliland iyo Puntland way dhaamaan gobollada badhtamaha iyo koonfurta Somaliya, marka la eego xagga maamulka, amniga iyo deggenaashaha, waanan ugu hambalyeynaynaa wanaagga ay bulshadooda u horseedeen. Dowladda Federaalka ahna waxay diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax walba oo lagu horumariyo guulaha ay dadkaas gaadheen.”

Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Gobalada waqooyi waxaan leeyahay colaadi ma jirto,is xaasid ma jiro waxii la qabtay wanaagii iyo guulahii dadka Soomaaliyeed ay gaadheena waanu qiraynaa inay hore u sii socdaan oo ay sii qurxoonaadaana waanu doonaynaa,laakiin quruxda ugu weyn ee ay umaddu gaadhi karto waxaanu ka aragnaa inaynu midawno oo mid noqono,waxaanu ugu baaqaynaa walaalahaas reer Somaliland inaan u soo wada istaagno midnimada,oo aynu ku heshiino mabadiyan in aynu heshiiino,sidaynu u midoobaynana waynu ka wada xaajoonaynaa,sida si ugu wacan ee aanay inooga lumi karin  midnimadu,afkaarta iyo rayigaynu ku midoobayno dadka Soomaaliyeed oo dhan guud ahaan ayuu u yaalaa.”