Isku-Shaandhayntii U Dambaysay Oo Kordhisay Tiradda UDUB-Yahanada Xilalka Ka Haya Xukuumada Siilaanyo

0
593

Picture6Hargeysa (Geeska) – Isku-shaandhayntii ugu dambaysay ee Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku sameeyay Golahiisa Wasiirada, ayaa kor u qaaday tiradda masuuliyiinta hore uga midka ahaa xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ee xilalka looga Magacaabayo xukuumaddan talada haysa.

Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo oo tan iyo intii uu xilka la wareegay dhowr jeer sameeyay isku-shaandhayn, ayaa mudadaasi xilal u Magacaabayey masuuliyiin xilal ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin isla-markaana ka mid ahaa xisbigii UDUB ee burburay sanadkii hore.

Masuuliyiinta ka soo jeeda xisbigii UDUB iyo xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin ee hadda xilalka ka haya xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo oo tiradoodu ka badan tahay 7 xubnood, ayaa waxa ugu dambeeyay Cali Maxamed Waran-cadde oo toddobaadkii hore loo Magacaabay Wasiirka Arimaha gudaha, isaga oo xukuumaddii Daahir Rayaale-na ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo uu ugu dambeeyay Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka, isaga oo sidoo kalena isku taagay Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbigii burburay ee UDUB.

Sidoo kale, Cali Biikalo oo ahaa Wasiiru-dowlihii xukuumaddii Daahir Rayaale ee Wasaarada Maaliyadda, ayaa isaguna ka mid ah UDUB-yahanada hadda xilka ka haya xukuumadda Madaxwayne Axmed Siilaanyo, waana agaasimaha guud ee Wasaarada dib-u-dejinta Somaliland.

Masuuliyiinta ka midka ahaa xukuumaddii hore ee hadda xilalka  qabtay, ayaa waxa kale oo ka mid ah Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal iimaan, oo xiligii xukuumadii hore ahaa hoggaanka hawl-galinta ciidamada booliska.

Masuuliyiinta sida weyn uga dhex muuqda xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, isla-markaana markii la Magacaabay shacabku siyaabo kala duwan uga hadleen ayaa waxa ka mid ah Maareeyaha dekeda Berbera Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), kaasi oo ka mid ahaa dhidibada uu ku taagnaa xisbigii UDUB, balse Madaxwayne Siilaanyo uu dib ugu Magacaabay Maareeyaha dekeda.

Waxa kale oo ka mid ah UDUB-yahanada xilalka ka qabtay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo Cali Cilmi Geelle oo isku-shaandheyntii u dambaysay laga qaaday xilka Wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo uu hayey in muddo ah, waxaanu ahaa wasiir xigeenkii warfaafinta ee xukuumadii UDUB.

Masuuliyiinta ka soo jeeda xisbiga UDUB ee xilalka ka haya xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo, ayaa waxa kale oo ka mid ah Maareeyaha Madbacada Qaranka Somaliland Cabdilaahi Caarey, kaasi oo sida la xasuusto ka mid ahaa shakhsiyaadka aadka ugu adadkaa xisbiga Kulmiye markii uu Mucaaradka ahaa.

Ugu dambayn, masuuliyiinta ka soo jeeda xisbiga UDUB ee isku-shaandheyntii u dambaysay uu Madaxwayne Siilaanyo ku Magacaabay ayaa waxa ka mid ah Cali Sandule oo loo Magacaabay Wasiiru-dowlaha arimaha bariga Somaliland, inkasta oo ka mid ahaa masuuliyiinta sanadkii hore aasaasay urur siyaasadeedkii Xaqsoor.

Dadwaynaha, ayaa mararka aad kala sheekaysato waxa ay u malaynayaan in Madaxwayne Siilaanyo dib ugu Magacaabayo masuuliyiinta ka soo jeeda xukuumadda iyo xisbigii ay xilka kala wareegeen, maadaama oo aanay xukuumaddu ahayn wadaag, ayaa waxay kuu sheegayaan oo ay ku malo-awaalayaan in looga maarmi waayay xilalka loo dhiibayo masuuliyiinta reer UDUB, waxaana dooda caynkaas ah cusleeyay markii xilka wasaarada arimaha gudaha loo Magacaabay Cali Maxamed Waran-cadde. Rayulcaamkuna wuxuu tilmaamayaa inay muuqanayso meelo badan oo uu Madaxweynihii hore kaga wanaagsanaa Madaxweyne Silaanyo, maadaama oo uu dib ugu magacaabay masuuliyiintii xukuumadii hore ka tirsanaa ee uu sida ba’an u dhaliili jiray.