Madaxweynaha Dalka Mongolia Oo La Geliyey Karantiin Si Loo Hubiyo In Uu Xanuunka Coronovirus Qabo

0
657

Madaxweynaha dalka Mongooliya ayaa la geliyey Karantiin kaddib markii uu ka soo noqday dalka Shinaha, cabsi laga qabo in uu xanuunkaas la soo noqday awgeed.

Wakaaladda wararka ee dalka Mongooliya ayaa jimcaha 28-ka Feberweri baahisay in Madaxweyne Khaltaama Batolga iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Mongooliya loo diray Karantiin 14 maalmood ah, si loo hubiyo in aanay sidin Fayraska Koroono oo si weyn saameeyey dalka Shiinaha, toddobaadadii u dambeeyeyna si xawli ah dunida ugu faafayey.

Madaxweyne Khaltaama oo kulan rasmi ah la qaatay madaxweynaha dalka Shiinaha, ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee booqda Shiinaha tan iyo markii uu dalkaasi bilaabay tallaabooyin uu ku xakamaynayo faafidda cudurka, kulana tacaalayo dadka tirada badan ee u soo dhacay.

Masuuliyiinta madaxweynaha la socotay ee iyagana Karantiinka la geeyey waxaa ka mid ah wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mongooliya.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta la socday ayaa isla markii ay diyaaradda ka soo degeen waxaa dhaqso ula wareegay kooxaha gurmadka caafimaadka degdegga ah oo markiiba geeyey Karantiinkan ay ku jiri doonaan inta la hubinayo in aanay xanuunkaas qabin.

Khaltaama Batolga waxa uu noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyey tan iyo markii uu dillaacay cudurka Coronovirus ee la geeyo goob Karantiin ah iyada oo looga shakiyey in uu xanuunkaas qabo. Waxa aanay dhiirrigelin u tahay bulshada dalkaas oo qabashada madaxweynuhu ay tahay farriin loogu sheegayo in la dagaalanka xanuunkani uu dhab ka yahay dawladda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here