China Oo Dadkiisa Ka Mamnuucay Cunista Xayawaanka

0
905

Dawladda Shiinaha ayaa tododbaadkan si rasmi ah dadkeeda uga mamnuucday ka ganacsiga iyo cunista xayawaannada berriga oo dhan, taas oo ah tallaabo ay kaga hortegeyso dareenka laga qabo in cudurka faraha baas dalkaas ku haya ee Coronovirus uu asalkiisu ka yimi noocyo xayawaannada ka mid ah.

Guddida joogtada ah ee baarlamaanka Shiinaha ayaa fadhi uu yeeshay waxa uu ku ansixiyey qorshaha ay xukuumadda dalku ku mamnuucayso ka ganacsiga xayawaannada berriga iyo cunistooda, waxa kale oo la mamnuucay wax lagu tilmaamay caadooyinka xun ee ah ku talaxtagga cunista xayawaanka. Warkan oo uu talefishanka dawladda Shiinuhu baahiyey ayaa lagu sheegay in ujeedada sharcigan cusubi ay tahay in la ilaaliyo caafimaadka dadweynaha.

Waxaa la aaminsan yahay in Fayraska Koroono uu dabayaaqadii sannadkii 2019 ka ku dhashay suuq lagu iibiyo xayawaanka cunto ahaanta dalkaas looga isticmaalo oo ku yaalla magaalada. Wuhan ee dalka Shina.

Inkasta oo aan weli xog kama dambays ah laga heynin cudurkan, dawadiisana aan la helin, haddana cilmibaadhiso kala duwan oo ay sameeyeen xeeldheereyaasha dalka Shiinaha ayaa lagu ogaaday suurtagalnimada in uu Fayraskan aadamaha kaga yimi nooc ka mid ah masaska oo iyaguna ka qaaday fiidmeer ay cuneen. Fiidmeerta iyo masaska ayaa ka mid ah xayawaannada hilibkooda aad loogu cuno Shiinaha ee lagu iibinayey suuqa uu cudurkani ka soo bilowday.

Dalka Shiinaha ayaa leh caadooyin cunto oo uu adduunka oo dhan kaga duwan yahay, taas oo ah in dadkiisu ay cunaan dhammaan noocyada noole ama xayawaannada kala duwan ee adduunka korkiisa ku uumman. Kuwaas oo ay ku jiraan xayawaanno dunida kale aragtidooda dhibsato ama loo arko in ay iyagu wasakh iyo xanuuno fidinayaan.

Masuul ka tirsan guddida caafimaadka qaranka ee dalka Shiinaha ayaa warbaahinta u sheegay in xanuunka Coronovirus uu ku dhacay dad tiradoodu ka badan tahay 3 kun oo ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee dalkaas. Iyada oo sida la ogyahayna uu hore ugu dhintay dhakhtarkii ugu horreeyey ee cudurkan ku baraarugay, laakiin aan digniintiisa dawladdu qaadan.

Dhinaca kalana dawladda Shiinaha ayaa go’aansatay in ay dib u dhigto kalfadhiga sannadlaha ah ee baarlamaanka dalka Shiinaha, si looga hortago in uu cudurkani si sibiq ah ugu dhex faafo golaha. Waxa aanay noqonaysaa markii ugu horreysay tobannaan sano ee la baajiyo fadhi baarlamaan.

Dhinaca kalana dalka Shiinaha ayaa dalka Maraykanka ku dhaliilaya in uu xanuunkan u adeegsaday ujeedo siyaasadeed oo uu ku sumcad dilayo dalka Shiinaha oo tartan adag oo ganacsi u dhexeeyo. Waxa aanay dawladdu soo saartay digniin ay muwaadiniinteeda ugu sheegayso in aanay u safrin Maraykanka, iyada oo sheegtay in dalxiiseyaasha Shiinaha ee dalkaas tegey in ay la kulmeen habdhaqan aan fiicnayn iyo tallaabooyin lagu talaxtegey oo lagu hubinayo caafimaadkooda.

Si kastaba ha ahaato ee cudurkan ayaa si xawli ah ugu fidaya dalalka adduunka, meelaha illaah adda uu si rasmi ah dad ugu dhacay ama loo dhintayna waxaa ka mid ah Iiraan, Talyaaniga iyo Kuuriyada Koonfureed, dalalkaas oo iskudarka dadka uu xanuunku ku dhacayay 77 kun gaadhayso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here