Lix Talo Oo Haddii Aad Ku Dhaqanto Kaa Caawinaya In Aad Ka Adkaato Ceebahaaga

0
593

Picture10Hargeysa (Geeska)- Ma jiro qof aan lahayn ceeb uu jecel yahay in aanay dadka kale ku arkin. Qormadan waxa uu maanta Geeska Afrika akhristayaasha kula wadaagayaa talooyin qofka sida ay yihiin u qaata ka caawinaya in uu ceebahaas ka gudbo iyaga oo aan waxba u dhimin sharaftiisa iyo dareenkiisa nafsiga ah midna.

– Deymo togan naftaada ku eeg, ha ku mashquuli nwaxa aad adigu isu haysato, ee waxa aad xoogga saartaa wawxa ay dadka kale kaa haystaan.

– Iska jir la saaxiibista dadka dhinaca taban wax ka eega, si aanay hoos kuugu sii celin.

– Weligaa fadhi ha la wadaagi dad aad ogtahay in ay shaqadaada ama hawlaha aad qabatay yaraysanayaan ama wax aan muhiim ahayn u arka. Waxa aad barataa in aad ka jawaabto naqdiga kaaga yimaadda dadka noocan ah, laakiin waa in ay jawaabtaadu noqotaa dhoolla caddayn iyo kalsooni.

– Iska jir in aad qof uun ka dhigato xiddig aad ku dayato, waxa aad ku dadaashaa in aanad qofka uun sidiisa u raacin balse aad barato oo daraasayso jidka uu u maray guusha aad ku jeclaatay, kadibna duruusta aad jidkaa uu maray ka baratay ka dhigo biriish aad ku gaadho waxa aad doonayso.

– Ka dheeroow, xaasidnimada, caloolxumada, cabashada badan, gunuunuca, naqdiga joogtada ah, eedaynta, madaxadayga iyo qabka. Dhammaantood waa dabeecado aad ku nici lahayd qof kasta oo kale oo aad ku aragto, haddaba ogowo oo dadkuna ma jeclaysanayaan in ay la macaamilaan qof dabeecadahaas leh.

– Ugu dambayntii mar kasta ku dadaal in aad dhegeysato oo aad la tashato dadka sida cilmiyeysan ee maangalka ah kuu naqdiya.