Machadka Faafinta Islaamka Oo Siminaar Diini Ah U Qabtay Waayeelka Magaalada Balligubadle

0
508

Picture1Baligubadle(Geeska)-Mac-hadka Faafinta Islaamka ee ka hawgala Somaliland ayaa siminaar diini ah  u qabtay Waxgaradka ku dhaqan Magaalada Balligubadle ee Caasimada Gobolka Hawd.

Kulan diimeedkaas oo lagaga hadlay kaalinta ay ka qaadan  karaan waxgaradka ka wacyi gelinta bulshada arimaha dhaqan-xumada iyo waxa diinta islaamku ka qabto  ee ay ka mid yihiin in si khalad ah lo fahmo diinta, waalid caasimiga, is-qarxinta iyo adeecid la’aanta  dhexdooda, waxaana ka soo qayb galay Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka, culimada Machadka, Maamulka Gobolka Hawad iyo waxgaradka ka kala yimi daafaha Magaalada Balligubadle.

Kulankan oo lagu qabtay hotel Alxayaad ee Magaalada Balligubadle ee gobolka Hawd,ugu horayn waxaa kulan-diimeedkaas ka hadlay Wakiilka Machadka ee Gobolka Hawd Cumar Jamac Ducaale  waxaanu sheegay inuu soo dhawanaayo culimada ka socota Machadka Faafinta Islaamka ee bookhashada ku yimi Magaalada Baligubadle, waxaanu carabka ku dhuftay inay farxad weyn u tahay isaga iyo bulshada deegaankaas ku dhaqan inay soo bookhtaan qaar ka mid ah culimada ugu waaweyn wadanka Somaliland “Maanta farxadweyn ayay noo tahay inay na soo bookhataan waftigan balaadhan ee uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Machadka faafinta Islaamka Sheekh Mooge ee uu ka mid yahay sheekh Carab ee safarkaas dheer noo soo galay sidii ay bulshada reer Balligubadle wacdi diini ah ugu jeedin lahaayeen oo kulanka balaadhan u qabtay waxgaradkii iyo akhyaartii ugu mudnaa Magaalada Baligubadle, taas oo iyaguna ay u sii gudbin lahayeen dadweynaha ay wakiilka iyo waalidiinta u yihiin waayo wax la isk sheego waxaa ugu faa’ido badan kelmada ku saabsan wacdiga diini ah, markaas waa inaynu wax ku qaadanaa oo aynu dhagaha u dhaadhicinaa.” Sidaas waxa yidhi Sheekh Cumar.

Guddoomiyaha Mac-hadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi yuusuf (Mooge) oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhawaynta ay kala kulmeen Maamulka, culimada iyo dadweynaha Magaalada Balligubadle ee Gobolka Hawd “Halkan waxaad ku fadhidaan intii ugu tunka weyndayd Gobolka Hawayd, sababta aanu idinku soo xulayna waxa ay tahay madama oo aad xuduud degen tihiin in cidwalba idin soo talaabi karto oo aad oo imikaba waa taas aad qabateen waxaas oo khamri ah ee aad sheegteen, markaas sidaas oo kale waan inaad ugu foojigo gaar ah u yeelaan waxa idin soo gudbaaya oo aad bulshadiina fahansiisaan waxyeelada idinka iman karta wadamada aynu jaarka nahay.”

Sidoo kale waxaa siminarkaas diiniga ah ka hadlay Isku-duwaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Gobolka Hawd sheekh Cabdiraxmaan Aadan Diiriye, waxaanu  sheegay inuu soo dhawaynaayo kulan-diimeedkan uu qabtay Machadka Faafinta islaamku “Ka Wasaarad ahaan waanu soo dhawaynaa dadaalkan uu waddo Machadka Faafinta islaamku ee ay bushada ka wacyi gelinayaan in diinta si khalad ah loo fahmo, waana wax u sheeg loo baahan yahay oo dadweynah wax u taraaya, hadaanu nahay  bulshadan reer Balli gubadlena waa mid aanu aad ugu baahanay waana inaad noo soo noq-noqtaan.”

Wakiilka Machadka Faafinta Islaamka ee Gobolka Maroodi jeex Sheekh/garsoore Xasan Qorane Xaaji Cali oo ka mid ah culimada  Mac-hadka Faafinta Islaamka ayaa halkaas si balaadhan uga war bixiyay xurmada ay diinta islaamku  siisay ilaalinta nafta binu adamka, waxaanu sheegay in dad dhalinyaro ay si khalad ah diinta loo fahansiiyo oo ay markaas qaadaan tabaalo ka soo horjeeda diinta, waxaanan idin soo jeedinaya odayaashiinan halka fadhiya oo ah waxgaradkii ugu waaweynaa reer Bali gubadle inaad magaaladiina ka dhigtaan meel diinta lagu oogo oo maantaba jimcihii masajidka magaaladu aad ayuu u camirnaa.” Sidaas waxaa yidhi Sheekh Xasan Qorane.

 Sheekh Maxamed Macalin Cabdi Carab oo muxaadiro dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulankaas ayaa odayaasha halkaas ka soo qayb galay u sheegay inay caruurtooda diinta si fiican u baraan “Waxaan idin soo jeedinayaa inaad ubadkiina aad gacantiina ku haysaan oo aad diinta bartaan waayo masuuliyad ayaa idinka saaran inaad xooga saartaan barashada diinta, waxaan la idinka baahan yaahay inaad bulshada ka wacyi gelisaan waxyaabaha fool-xumada keenaya ee aan ku haboonayn diinteena suuban, waxaana haboon inaad fahanka diinta si sax ah loo qaato” Sidaas waxa yidhi sheekh carab oo muxaadiro dheer halkaas ka jeediyay

Ugu dambayntii dambayntii waxaa kulan-diimeedkaas hadal ka jeediyay ku simaha Badhasaabka Gobolka Hawd ahna Guddoomiye ku xigeebka MD Khadar Xasan Xirsi waxaanu sheegay in ka maamul ahaan ay xooga saareen sidii ay u xoojin lahayeen guddida ka shaqaysa wacyi gelinta wixi diinteena ka soo horjeeda “ Machadkan faafina Islaamka ee Balligubadle yimi maha arkii ugu horaysay ee ay yimaadaan marar horeba waa noo yimadeen oo dib inay soogu soo noqdaana waanu sugaynaa, waxanan idin sheeegaynaa ka maamul ahaan waxaanu xooga saaraynaa inaanu magaalada ka cidhib tirno wixii xumaan ah waayo waxaanu degen nahay xuduud, xuduudkuna dhibtiisa ayuu leeyahay oo cidwalba oo xumaan iyo fisqi wadaa waa ku soo galayaan, markaas dadaal dheeraad ah ayaanu gelaynaa.” Sidaas waxaa yidhi Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Hawd.