Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Baahisay Qandaraaska 15 SURF

0
530

Hargeysa(Geeska)-Wasaarada arimaha gudaha Somaliland ayaa baahisay 15 SURAF oo ay u adeegsan doonto diiwaangalinta muwaadiniinta, kuwaas oo wata qalabkoodii isgaadhsiinta.

Qandaraaskan ay wasaaradu baahisay cidii danaynysaa waxa ay ku xarayn doontaa mudo bil gudaheed ah gudida qandaraasyada qaranka. Hadaba war saxaafadeed ay wasaaradu soo saartay oo arintaas ku saabsan waxa uu u dhignaa sidan  “Wasaarada Arimaha  Gudaha  jamhuuriyada  Somaliland   waxay Qandraas ku bixinaysaa 15 baabuur oo ah nooca looyaqaano SURF   oo iib ah   iyo qalabkoodii isgaadhsiinta oo loo isticmaali doono diiwaan galinta mawaadiniinta.

Sidaas darteed cidii danaynaysa  qandaraaskaas  ah 15 baabuur ee  SURF  ah iyo qalabkoodii isgaadhsiinta  uu dhamaystiranyahay   waxay Araajidooda codsiga ku hagaajinayaan  Gudiga Qandaraasyada Qaranka, hadaba waxa la farayaa cidii danaynaysa  qandaraaskaas inay kusoo  xareeyaan  araajidooda bil gudaheed oo ka bilaama  8/2/2014.”